Warar Ka Soo Baxaya Ninkii Xero Goordan Ku Laayay Saraakisha Imaaradka Iyo Madax Kale oo U Qorshaysna in uu Dilo

Warar soo baxaya ayaa laga helay xog cusub oo ku aadan baaritaanka ku socda kiiska ninkii toogashada ka fuliyey xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kaas oo laayey saraakiil Imaaraad ah iyo askar Soomaaliyeed.

Sida lagu ogaaday baaritaanka, ninkaas wuxuu ahaa mid ay Shabaab ku soo dhex-darsadeen ciidamadii ugu dambeeyey ee dowladda Soomaaliya ay tababarka u xareysay, tan iyo markii uu qortay ciidanka wuxuu qorsheynayey inuu toogasho noocaan ah fuliyo.

Waxaa la xaqiijiyey in ninkaasi uusan ka tirsaneyn ciidankii Wasiir Mukhtaar Roobow uu ku heysa jiray gobolka Bakool, wasiirka ayaa cadeeyey in ninkaas uusan waligiis arkin, ciidankiisana uusan ka soo mid noqon.

Sidoo kale waxaa is bedelay qabiilkii markii hore la sheegay inuu ka dhashay, wararkii hore waxay sheegayeen inuu ahaa Jilible, balse waxaa la xaqiijiyey inuu ka dhashay qabiilka Hadamo oo dega gobolka Bakool.

Ninkaas waxay Shabaab u qorsheeyeen inuu isku dhex-qariyo ciidamo laga soo qoray gobollada dalka oo dowladda ku soo biiray, waxayna kula balameen inuu raadiyo fursad uu ku tooga karo madax sare oo dowladda ka tirsan.

Waxaa lagu ogaaday baaritaanka in muddo dheer uu raadinayey fursad uu ku toogto madaxda ugu sareysa dalka, balse taasi waa u suurta geli weysay, ugu dambeyntiina wuxuu go’aansaday in saraakiisha Imaaraadka uu laayo.

Kiiskaas waxaa weli ku socda baaritaan culus, waxaana ninkaan damiintay masuuliyiin ka tirsan dowladda intii aan loo xareyn tababarka, waxayna baarayaashu ku guda jiraan sidii loo ogaan lahaa xogaha qarsoon ee kiiskaas.

Weerarkii uu fuliyey ninkaas laga soo qoray magaalada Xudur ayaa musiibo ku noqday howlgalkii Imaaraadka ee Soomaaliya, toogashadu waxay galaafatay nolosha saraakiishii ugu sareysay howlgalka iyo askar badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo xerada ku sugnaa.