War Cusub oo ka Soo Kordhay Geerida Allaha u Naxariiste Prof Jawaari
Al Jasiira- News
Guddiga qaran ee loo xilsaaray aaska guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa war cusub kasoo saaray geerida marxuumka iyo aaska oo maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taaladda Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga.
Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi.
Waxaa kale oo la go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo saddex maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii marxuumka.
Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-
Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa hadii uu Alle idmo in maanta marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho,ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka
Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari .
Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota:
Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo,waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka.