Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee ay lumisay horraantii toddobaadkan markii ay barbarraha goolal la’aanta ah galeen Manchester City, waxaanay saddex dhibcood oo muhiim ah ka xoogtay Luton Town oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.
Gool qurux badnaa oo uu Martin Odegaard ku furay ciyaarta iyo mid ay iska dhaliyeen difaaca Luton ayaa Arsenal siiyey guul sabab u noqotay inay hal dhaafaan Liverpool oo Khamiista ciyaari doonta, taas oo haddii ay guuleysato mar kale dib usoo ceshan doonta hoggaanka oo farqi laba dhibcood ah yeelan doonta.
Daqiiqaddii 24aad ayaa kubbad uu khadka dhexe kasoo jiiday Martin Odegaard waxa uu u dhiibay Kai Havertz oo ka horreeyey, waxaana uu laacibka reer Germany kubadda u celiyey Odegaard oo xerada ganaaxa lugaha la galay, kaas oo isaguna darbad xooggan ku toogtay goolka oo dhinaca midig ee goolhayaha ka sudhay shabaqa.