Site icon Al jasiira News Somali

Deeqa Somtel gabadha Dalacsiinta iyo Hadyado u jiro Gaadhi iyo iphone 15 ka ku Heshay Daacadnimadeeda

Deeqa Somtel, waxaa la guddoonsiiyey Gaadhi, Lacag, billad sharaf iyo Iphone-kii u dambeeyey. Sidoo kale waxaa laga dhigay shaqaale rasmi ah, iyadoo heshay shaqo joogta ah iyo dallacsiin.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashiid Du’ale ayaa isaguna Khadka Telefoonka toos ugula hadlay Deeqa war qoraal oo Shirkadda Dahabshiil ay soo saartay ku tidhi,

“ maamulaha ayaa  hambalyeeyay dadaalka iyo sida ay uga go,antahay u adeegida dhamaan macaamiisha meel kasta ay joogaan. Somtel sharaf weyn ayeey u tahay in Deeqi la shaqayso oo ah inan haldoor ah.

Waxaanu ku faraxsanahay in galabta xaflad mahadnaq ah, shaqo dalacsiin iyo abaal marino kala duwan ah lagu gudoon siiyay #DeeqaSomtel kartideeda iyo sida ficil keedii wanaagsanaa dad

badan u siiyay dhiiri gelin dhinacyo badan leh.

Weriye Luqmaan Maxamed Faarax

Exit mobile version