Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka raacay

banaanka hore ee masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore.

Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, balse waa hordhac muuqaalka ay caawa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, waxaana isagoo dhameystiran la sheegay in la baahi doono habeenka Khamiista ah.

Nin oday ah oo sharaxaya sida loo soo gudbiyey gaadiidka is qarxiyey ayaa ku jira muuqaalka kooban ee caawa la baahiyey, kaas oo u xiran hey’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA oo la wareegtay galka barista kiiskaan, markii uu weerarku dhacay.

Askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka u xiran soo gudbinta gaadiidkii ku qarxay weerarka Hotel SYL, waxaana weli socda baaritaan xoog leh.

NISA ayaa dhawaan baahisay in weerarkaas loo qabtay 16 qof oo ku eedeysan inay ku lugyeesheen, balse waxaa laga xusay nin magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir oo gaadiidka qarxay soo geliyey magaalada.

Xogta muuqaalkaan ku jirta waxaa ka mid ah magacyada milkiilayaashii iska lahaa gaadiidka is qarxiyey iyo guud ahaan macluumaadka raggii weerarka geystay oo baaritaanka NISA lagu helay.

Daawo Muqaalka