Darawal gaari isku-rogay xidig caan ah
Wallow uu xeer-beegtada u sheegay in aysan ku talogal ka ahayn, Sayid-Cali ayaa ku eedeysan inuu nolol ku gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu waddaa in ay go’aan ka gaarto kiiskan Arbacada berri ah.
Kadib markii uu kasoo muuqdey fadhigii bishii Febraayo ay Maxkamada gobolka Banaadir ka yeelatay kiiska Luul, Shamuuri ayaa degdeg caan uga noqdey baraha bulshadda, iyadda oo dadka ay ku maadeysanayaan jawaabihii uu bixiyay.
Shamuuri oo kahor noloshan cusub ahaa darawal Muqdisho ka kaxeeya baabuurta loo yaqaano BL-ka ee ay raacaan dadweynaha ayaa TikTok ka furtey akoon kaas oo maalmo gudahooda ay ku xirmeen boqolaal kun taageerayaal ah.
Nolol cusub oo fursad iyo caqabad huwan
Shaqada darawalnimada ayuu waayay kadib markii uu kasoo muuqdey fadhigii buuqa badan dhaliyay ee Maxkamadda. Wareysi uu bixiyay maalin kadib fadhigaas, Shamuuri wuxuu sheegay in mulkiilaha darawalka qoonsadey talaabada uu qaadey.