Sababaha Keenay inuu Sucuudigu Laalo Shuruudii Xoolaha Berbera ka dhoofaya Ay ku Xidhay Dawladda Farmaajo.

Sababaha Keenay inuu Sucuudigu Laalo Shuruudii Xoolaha Berbera ka dhoofaya Ay ku Xidhay Dawladda Somaliya 

Amar kasta Oo Dawlada Madaxweyne Farmaajo Ku Soo Rogtay Xoolaha Ka Dhoofaya Dekadda Berbera waxa Buriyey oo Meesha ka saaray Dhaxal Sugaha Dawlada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan  Oo Garwaaqsatay Inaanay gabi ahaanba Dawlada Somaliya  ku lahayn Magaalada

Berbera Xafiisyo Sharci oo laga goosto waraaqaha ay shuruudaha uga dhigeen Xoolaha Berbera ka dhoofaya , taas oo Meesha ka Saartay inuu Sucuudigu Xoolaha ku Xidho waraaqo iyo Xafiisyo Tuugo oo aan lagu Kalsoonayn Caafimaadka Xoolaha ay soo jarayaan.

Waxaanay Xooluhu kaga baxayaan Dekada Berbera Waraaqaha Caafimaadka Xoolaha iyo Ganacsiga Somaliland .

Dadaalkaasina Waxa Mahadiisa iska leh Ganacsatada Xoolaha Somaliland oo Siweyn Fariintaasi gudbinteeda ugu dhabar adaygay.

Ahmed Sa’ed Mohamed