Qoys Aabahood Oo Toban Sano Ka Maqnaa Ka Baafiyey Warbaahinta oo Loo Soo Helay Aabihii oo Nool

Dalsan TV iyo Dadweynaha oo ku guuleystay Isu-keenidda Qoyskii 10-sano kala Maqnaa soona Afjaray Murugtii 10-sano qoyskan dariska la ahayd”
Baahinta Warbixinta Maalin kadib ayeyna Nimco iyo Caruurteedu heleen Aabahood isagoo Nabad-qaba.

Wariye Mohamed Abdi Hassan Iidle oo markale qoyskan booqday ayaa ka diyaariyey warbixintan oo uu ku sharaxayo sida ay ku suuragashay ishelidda qoyska iyo nolosha Aabbe Cumar oo intii Caruurtiisa uu la’aa soo noqday Guddoomiye Magaalo.

Alle ayey Mahadi oo dhan u Sugnaatay Sidoo kale Dalsan Media Group waxay dadweynaha Soomaaliyeed uga mahad-celineysaa dareenka iyo damqashada ay u muujiyeen Qoyskan.

Ku Soo Biir Youtube
Ku Soo Biir Youtube