Qarax Ka Dhacay Wadanka Swiden iyo Goob Joogayal Ka Hadlay Sida Wax u Dhaceen

-Waxaan hayay oo aan seexinayay gabadheeyda yar, waxaanan maqalney qaraxa, inkastoo aan deggenahey vaksala Torg. Si wanaagsan ayaan loo maqlay, waana la garanayay in aannu ahayn qarax iska caadi ah, sida uu sheegay mid ka mid ah bulshada ku dhaqan Uppsala.

Ma jirto cid qaraxaasi ku dhaawacantay, hase yeeshee waxey dhaawacyo ka soo gaareen dhismooyin iyo gawaari, halka ciidanka baarista bambooyinkuna ay howlo ka qabsadeen goobta uu qaraxu ka dhacay. Goobtan caweeyska ayaa horay loogu geeystay falal dembiyeedyo kala duwan. Iyadoona sannadkii 2015 laba qof loo xukumey maadaama ey maqaayadda ku tuureen bambooyin ku qarxay.

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Uppsala oo la hadlay laanta idaacadda ee P4 Uppland ayaa sheegey iney ka welwelsan yihiin qaraxyada soo noqnoqday ee magaalada ka dhaca. Isla markaana loo baahan yahay ciidammo ammaan oo ka badan sidii looga hor tegi lahaa kooxahan dembiyada isku baheeysta.

Kajsa Britt Karlsson-Waxaan ku fakaray, mar kale uma baahnin. Waxay middani u ekaaneeysaa High Chaparal (meel aannu eer ka jirin). Iminka waa in falalkan la joojiyo. Waxaana lagu joojin karaa iyada oo tiro ka badan ciidanka ammaanka ey waddooyinka ku sugnaadaan, sida ay sheegtay Kajsa Britt Karlsson.