Qaar Ka Mid Ah Qoyskii Boqortooyada Sweden oo laga Saaray liiskii Aqalka Reer Boqor

Amiirrada Alexander, Gabriel, Leonore, Nicolas iyo amiiradda Adrienne ayaa ka sii tirsanaan doona qoyska boqortooyada, hase yeeshee aan ka tirsanaan doonin aqalka boqortooyada.

Sida uu maanta qaraal saxaafadeed ku sheegay go’aan ka soo baxay boqorka, sarkaalka ugu sarreeysa ee shaqaalaha daarta boqortooyada Fredrik Wersäll.

Go’aanka uu boqorku soo saaray ayaa lagu caddeeynayay cidda xaqa u leh iney masuuliyad ka qaado daarta boqortooyada, middaasina oo aaney shanta amiir ee kor lagu soo sheegey aaney qaadi doonin mustaqbalka.

Qoraalka ka soo baxay daarta boqortooyada ayaa lagu sheegay in boqorka, boqoradda, gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada Victoria iyo saygeeda amiir Daniel ey yihiin cidda ugu sarreeysa ee dalka meteli karta gude iyo dibadba.