Puntland Oo Xabsiga Ku Gurtay Masuuliyiin Dawlada Federalka Somaliya Lacag Uga Soo Dhiibtay Muqdisho oo Diiday Inay Celiyaan Lacagta

 

Bosaaso Ayaa lagu Xidhay Maanta Sadex Masuul oo ka tirsan guddiga dhismaha wadada laamiga ee Badhtamaha  magaalada Boosaaso , kadib markii Ay Ka Soo Hor Jeesteen in ay celiyaan $150kun oo dollar oo dowladda federaalka Somaliya  u soo dhiibtay Jidkaasi .

Masuuliyiintan La Xidhay Ayaa Lagu Kala Magacaaba Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji, Injineer Maalfo iyo Maxamed Faahiye guddoomiyaha Amal bank Boosaaso oo lacagta lagu soo shubay.

Xukumada  Puntland iyo Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa khilaafkoodu muddo Huursana  tan iyo Intii La Doortay Madaxweynahan Cusub , Waxaana Siciid Deni oo la filayey inuu Danta guud ee Qaranka iyo tan maamulkuba isku wado uu noqday Nin dhaxlay Siyaasadii C.wali gaas.

Todobaadkii Hore Wasiirka Arimaha Gudaha Punland Ayaa Si Kulul U Cambaareeyey Booqasho Raisal Wasaaraha Somaliya Ku Soo Booday Magaalada Gaalkacayo

Magaalada Puntand oo Ka ,mida Ilaha Dhaqaalaha Ugu Badan Ka Soo galo Puntland Ayaa Xukumada Deni U Aragtay In Dawlada Federalka Somaliya u Magacawday Gudi U Gacan Dhaafay Maamulkii Boosaso Taas oo Dhalisay Xadhigan

 

Xubno ka mid ah gudiga raggan laga xiray oo ay VOA la xiriirtay ayaa sheegay in Maamulku ku Amaray in ay kusoo wareejiyaan lacag $150,000 oo dollar ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday dhismaha wadada dhexmarta magaalada Bosaaso, lagactaas oo ay guddigan gacanta ku hayeen.

Maamulka Gobolka Bari ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, mar ay la xiriirtay VOAda.