Mid Ka Mida Dadka Ugu Caansan Itoobiya Xaga Ciyaaraha oo Eedayn u Jeediyey Shirkada Facebook

Waxaa uu sheegay in Facebook uu ka qeyb qaatay hurinta rabshadihii dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee taabacsan dowladda.

“Haddii dowladda Itoobiya ay dacweyn weyso shirkadda Facebook, aniga ayaa maxkamad la tiigsan doonaa” ayuu yiri Haile Gebrselassie.
Itoobiya waxaa dhawaan harreeyay rabshado ka dhashay markii Jawaar Maxamed oo ah nin saamey ku lahaa isbaddalada Itoobiya uu shaaca ka qaaday in dowladda Itoobiya ay ilaaladiisa kala noqon rabto isla markaasna noloshiisa ay halis ku jirto.
Saraakiisha Itoobiya waxay sheegeen in 67 qof ay ku dhinteen rabshadaha halkaas ka dhacay.

Dadkii u ololeynayay isbaddalada ka dhacay Itoobiya ee uu garawadeenka ka yahay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa inta badan farrintooda ku gudbin jiray Facebook markii ay isbaddallada raadinayeen.

Source BBC