Madaxwayne Trump oo bartiisa Twiter ka soo dhigay Sawirada Afhayeenka Kongareeska Maraykanka oo Xijaaban iyo Siyaasi kale oo Madaxa uduuban sida Hogaamiyaha Iran

Madaxwayne Trump ayaa Bartiisa Twitterka soo dhigay Sawirada Afhayeenka Aqalka Kongereska Maraykanka Nancy Plocy oo Xijaaban iyo Hogaamiyaha xubnaha Xisbiga Dimuqradiga Kongereska kaga jira Churck Schumer oo isna madaxa ku xidhan Cimaamadii Hogaamiyaha iiraan,

Trump ayaa masuuliyiintan iyo xisbiga ay ka tirsanyihiin ee Dimuqradigaba ku eedeeyay in ay si walba iiran u difaacayaan kadib markii Afhayeenka Kongereska Nancy plocy ay cambaaraysay dilkii Qasim Sulaymani ayna ku sheegtay mid dagaal abuur ah.