Macallimiinta Aan Deegaanka U Dhalan Oo Isga Cararaya Magaalada Gaarisa kadib weerarada Al Shabaab

Ismaamulka gobolka Garissa ee dalka kiiniya ayaa u muuqda in uu wajaho caqabad dhanka macaalimiinta ah, kadib markii macallimiinta aan u dhalan gobolkaas ay billaabeen in ay isaga tagaan, iyadoo dhawaan weerar lagu dilay sadex macallin.

Koox si aad ah u hubeysneed oo la rumysan yahay in ay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ayaa weerar kusoo qaaday iskuul hoose oo ku yaalla deegaanka Kamutheee ismaamulka Gaarissa, halkaas oo ay ku dileen sadex macallin, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Sadexda macaallin ee dhimatay ayaa magacyadooda lagu sheegay Caleb Mutua oo 28 jir ah, Titus Mshindi oo 29 jir ah iyo Samuel Muthui oo 30 jir ah.

Lucy Wanjira, oo macallin ka ahayd dugsiga 2 sano, waxa ay ka mid ah dadka ka ag dhawaa xiliga uu weerarka socday, ayaa sheegtey in weerarka uu qaatay ku dhawaad 2 saacadood, iyadoo rasaastii ugu horeysay la maqlay kowda habeennimo (1am).

Weerarkan ayaa imanaya kaliya hal todobaad kadib markii weerar looga shakisan yahay ururka Al Shabaab ay ku dileen afar arday oo dhiganayay Dugsiga Hoose Saretho oo yaalla meel 25 kiiloomitir u jirta Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

Nick Ndalana, gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa tilmaamay in ay jirto wada shaqeyn dhexmarta dadka deegaanka ah iyo kooxaha weerarada fuliya.