Laacib Goaansaday Inuu U Safto Dalka Hooyadii Meelna Iska Dhigay Dalka aabihii Isaoo Haysta Labada Dhalashoba

Daafaca Riccardo Gagliolo, ayaa ka mid noqday laacibiinta cusub ee uu u yeeray macallinka Sweden ee Janne Andersson oo manta ku dhawaaqay xiddigaha isreebreebka EURO 2020 ku wajahaya xulalka Malta iyo Spain.

Riccardo Gagliolo oo 29-jir ah una safta kooxda Parma ayaa wada haysta dhalashada Swedish-ka oo ay hooyadii kazoo jeeddo iyo Talyaaniga oo uu ku dhashay, ku barbaaray una dhashay. laacibkan oo ku Jira Xili wacan Ayaa Go,aansaday inuu Safto Dalka Hooyadii ee Swiden

– Waa laacib wanaagsan oo muddo u ciyaarayay kooxda Parma. Wuxuu leeyahay cag bidix ah oo aad u fiican, waana xiisaynayaa inaan xulkeenna ku arko, ayuu yiri Janne Andersson.

Sweden ayaa Malta u martiyi doonta 12 Oktoobar iyadoo misna minankeeda kusoo dhowayanaysa xulka Spain 15 Oktoobar.

Xiddigaha la magacaabay:

Goolwalayaal: Robin Olsen, Cagliari, Kristoffer Nordfeldt, Swansea, Karl-Johan Johnsson, Köpenhamn.

Daafaca: Pierre Bengtsson, Köpenhamn, Mikael Lustig, Gent, Andreas Granqvist, Helsingborg, Pontus Jansson, Brentford, Filip Helander, Rangers, Victor Nilsson Lindelöf, Manchester United, Emil Krafth, Newcastle, Riccardo Gagliolo, Parma

Khad dhexe & weerar: Sebastian Andersson, Union Berlin, Sebastian Larsson, AIK, Gustav Svensson, Seattle, Kristoffer Olsson, Krasnodar, Robin Quaison, Mainz, Emil Forsberg, Leipzig, Albin Ekdal, Sampdoria, Alexander Isak, Real Sociedad, Sebastian Andersson, Union Berlin, Marcus Berg, Krasnodar, John Guidetti, Alavés, Muamer Tankovic, Hammarby, Oscar Lewicki, Malmö FF, Ken Sema, Udinese

source sverigesradio