Kooxda Shabaab oo Kenya Ka Buburisay Xarun Shirkad is Gaadhsiin Xili Kenya Kuwa Somalida Burburin Jirtay

Dagaalyahano la aminsanyahay iney katirsan yihiin Al Shabaab ayaa Qaraxyo ku burburiyay Xarun Shirkada Isgaarsiinta Safaaricom ay ku leedahay deegaan ku dhow magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u Sheegay Rag katirsan Al Shabaab iney Qarax ku xireen Xarun shirkada ay ku laheyd Deegaanka Weel-mareer oo dhaca duleedka Magaalada Gaarisa.Kooxda Shabaab oo Kenya Ka Buburisay Xarun Shirkad is Gaadhsiin Xili Kenya Kuwa Somalida Burburin Jirtay

Ciidamada Booliska Kenya ayaa goobta gaaray, kuwaa oo Howlgalo ka sameeyay halka wax ay ka dhaceen, kuwaa oo ugu dambeen goobta isaga tagay.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo la Xiriira Qaraxa lagu burburiyay Xarunta Shirkada Isgaaraiinta Safaaricom oo dhowr mar ay gubeen.

Al Shabaab ayaa marar badan gubay Xarumo Shirkada Safaaricom ay ku leedahay gudaha dalka Kenya.