Jilaaga Caanka ah ee Sunny Deol oo laga baafinaya Hindiya iyo Jawaan umuuqata cadho oo uu bixiyay

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, ahna xildhibaanka baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga BJP, Sunny Deol, ayaa ka jawaabay warqado lagu baafinayo oo lagu dhajiyay meelo ka mid ah magaalada Pathankot ee gobolka Punjab.

Atooraha oo u muuqday inuu ka carooday arrintaas ayaa qoraal soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga.

Warqadaha lagu dhajiyay darbiyada ee lagu soo qoray baafinta atoorahan siyaasiga isku baddalay ayaa lagu arkay meel u dhow xarunta tareennada laga raaco ee magaalada Pathankot.

Qoraal uu micnihiisu yahay “Waxaa la raadinayaa xildhibaan Sunny Deol oo maqan” ayaa lagu qoray warqadaha, wuxuuna isugu jiray luuqadaha hindiga iyo ingiriiska.

Jilaaga oo facebook-ga soo dhigay muuqaal uu ugu talagalay dabaaldagga beeraleyda ee Lohri ayuu sidoo kale uga hadlay arrinta ku saabsan baafintiisa.

“Waxaan maqlay in dadka siyaasiyiinta ah ee iga soo horjeeda ay ka hadlayaan wax aan micno lahayn oo aniga igu saabsan. Kaliya waxaan rabaa inaan u sheego in waxaasi aysan shaqadooda ahayn, anigana aysan shaqadeyda ahayn. Waxaa loo baahnaa inay faraxsanaadaan. Waxaan u sheegayaa inay dadka u shaqeeyaan, maadaama aan kulligeen halkan u joogno inaan shacabka u adeegno”, ayuu yiri Sunny Deol.

“Waxaan doonayaa inaan dadweynaha u sheego in kalsoonida ay ii muujiyeen ay ii noqotay awood, waana sii wadan doonaa shaqadeyda. Mustaqbalka waxaan heli doonaa shaqooyin intan ka sii waaweyn, sababtoo ah kalsoonidiinna ayaa ila jirta”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Inta aysan sheekadan baafinta ah soo ifbixin ka hor, xildhibaankan jilaaga ah waxaa bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay lagu eedeeyay inuu qof wakiil ah u sameystay “ka qeyb galista shirarka iyo arrimaha muhiimka ah”, kaasoo ku matala kalfadhiyada baarlamaanka.

Laakiin markii uu ka fal celinayay wuxuu eedeyntaas ku tilmaamay mid “nasiib darro weyn ah”.
Xilligaas wixii ka dambeeyay, wuxuu wajahayay cadaadis xooggan oo la xiriira sababta uusan uga qeyb galin kulamada aqalka baarlamaanka.

Afhayeenka aqalka wakiillada ee Hindiya, Manish Tewari, oo ka faa’iideysanaya warqadaha baafinta ah ee laga sameeyay Sunny Deol ayaa isagana hadlay.

“Ma aha arrin lama filaan ah oo lala yaabo, waa wax horay ugu dhacay aabihiis Dharmendra, oo xildhibaan ka ahaa Bikaner. Magaalada Gurdaspur waxay nasiib u yeelan weysay nin fiican oo xilkaas ugu tartamayay, oo ah Sunil Kjakhar”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Mr Kjakhar ayaa ahaa xildhibaankii hore ee degmada, hase yeeshee waxaa doorashadii sanadkii lasoo dhaafay kursigaas uga guuleystay Sunny Deol, oo markii ugu horreysay xildhibaan noqday.

Atooraha 62 jirka ah ayaa siyaasiga kursigaas kusii fadhiyay uga adkaaday codad dhan 82,459 cod.

Manish Tewari wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay sida uu jilaaga ugu guul darreystay inuu ka qeyb galo shirarka baarlamaanka.

“Intii u dhaxeysay 24-kii bishii May, 2019 ilaa 31-kii bishii December, 222 maalmood oo sanadka ka mid ah waxaan degmadeyda joogay 100 maalmood, waxaan si joogto ah uga qeyb galayay kulamada baarlamaanka xilliyadii kala duwanaa. Laakiin meeqa maalmood ayuu Sunny Deol joogay degmadiisa ama aqalka baarlamaanka???”, ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sunny Deol aabihiis Dharmendra, oo ah jilaa rug caddaa ah, iyo aayadiis Hema Malini ayaa labadooduba waxay noqdeen siyaasiyiin ka tirsan xisbiga talada haya ee BJP.