Isbeddelka Aduunka Ma Og Tahay in Ay Jirtay Xili Qofka Jirada laga Ilaalin Jiray Isbataalka in la Geeyo

Waxaa jiray wakhti in qofka xanuunsan loo qaado isbitaal aysan ahayn tallaabada ugu fiican ee lagu dagdago.

Qarnigii 19-aad, isbitaalladu waxay ahaayeen meelaha saldhigga u ah caabuqa iyo jeermiska, dadka kaliya ee loo qaadi jirayna waxay ahaayeen kuwa aadka u xanuunsan iyo kuwa sii dhimanaya.

Run ahaantii waxaaba ka fiicneyd in guryaha la isku daweeyo: xaddiga dhimashada ee Isbitaalladu wuxuu markaas 5 laab ka badnaa kan guryaha adeegyada caafimaad loogu sameeyo dadka.

Guryaha Geerida

Isbitaallada waxaa ka buuxi jiray qoyaanka kaadida, matagga iyo dhacaannada kale ee jirka bani’aadanka. Urka ayaa ahaa mid aan loo dulqaadan karin, waxaana mararka qaar ay shaqaalaha isbitaallada adeegsan jireen maryo ay sanka ku xirtaan.

Dhif ayey ahayd in dhakhaatiiru ay dhaqaan gacmahooda ama qalabka ay isticmaalaan, qolalka lagu sameeyo qalliinnadana waxay u wasakh badnaayeen isla sida ay u wasakh badnaayeen dhakhaatiirta qalliinnadaas sameynayay.

Arrintaas ayaa sababtay in isbitaallada lagu magacaabo “Guryaha Geerida”.

.Xarun caafimaad oo uu farshaxan ahaan u xardhay nin u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Thomas Eakins sanadkii 1875-kii,

Dunida noocaas ah, ee aan wali ka warhelin halista uu jeermiska leeyahay, ayuu nin isku dayay inuu seyniska u adeegsado joojinta fiditaanka caabuqa.

Magaciisu wuxuu ahaa Ignaz Semmelweis.

Dhakhtarkan u dhashay waddanka Hungary ayaa isku dayay inuu nidaamka gacmo dhaqashada ka hirgaliyo magaalada Vienna, 1840-meeyadii, si uu u yareeyo xaddiga dhimashada ee ka jiray isbitaallada lagu umulo.

Waxay ahayd arrin muhiim ah laakiin waa lagu guul darreystay, dhakhtarkii fikraddaas keenayna waxaa ku maadeystay dhakhaatiirtii kale ee ay isla shaqeynayeen.

Laakiin ugu dambeyntii waxaa loo aqoonsaday inuu ahaa “Badbaadiyihii hooyooyinka”.

Duni aan jeermis lahayn

Semmelweis wuxuu ka shaqeyn jiray isbitaalka guud ee magaalada Vienna, halkaasoo ay meydadka isku dulsaarnaan jireen qolalka isbitaalka, si lamid ah isbitaalladii kale ee xilligaas jiray.

Ka hor inta aan jeermiska la aqoonsanin qeybihii dambe ee qarnigii 19-aad, dhakhaatiirtu aqoon uma aysan lahan, kumana aysan baraarugsaneyn in nadaafad darrada ka jirtay isbitaallada gudahooda ay door weyn ka ciyaareysay dhimashada faraha badan.

Isbitaallada siga St. George oo ku yaallay magaalada London waxaa loo yaqaannay “Guryaha Geerida”

“Aad bay annaga noogu adagtahay inaan qiyaasno duni aan laga fahansaneyn jiritaanka jeermiska ama bakteeriyada”, sidaas waxaa BBC-da ku yiri Barron H. Lerner, oo ah khabiir cilmiga taariikhda caafimaadka ka dhiga jaamacadda New York.

Wuxuu intaas ku daray in bartamihii qarnigii 19-aad ay cudurradu u faafayeen sida ay daruuruhu ugu faafaan cirka.

Isku dheellitir la’aan xasuus mudan

Dadka khatarta ugu weyn ugu jiray nadaafad darrada cudurrada keenta awgeed waxaa ka mid ahaa hooyooyinka umulaya, gaar ahaan kuwa xubintooda taranka ay dhaawacanto marka ay dhalayaan. Dhaawacyada furan waxay ahayd meelaha ay hoyga ka dhigato bakteeriyada ay wateen dhakhaatiirta.

Wixii ugu horreeyay ee Semmelweis uu ku baraarugay wuxuu ahaa nadaafad darro aad u weyn oo ka jirtay labo isbitaal oo ku yaallay magaalada Vienna, kuwaasoo mid uu hablaha ka umilin jiray dhakhtar nin ah halka kan kalena ay ka howlgalayeen haween umulisooyin ah.

Xarunta caafimaad ee Agnew (1889), oo uu sawiray Thomas Eakins

Mid ka mid ah labadaas isbitaal, oo ka yaabiyay ardayda caafimaadka, wuxuu lahaa 98.4 dhimasho oo ku timaada kunkii dhalmo.

Xaddiga isbitaalka kale ee ay haweenka umulisooyinka ah joogeen wuxuu ahaa 36.2 dhimasho oo ku timaadda kunkii dhalmo.

Guul aan abaalmarin lahayn

Hase ahaatee, Semmelweis wuxuu dhakhaatiirtii kale ka dhaadhicin waayay in jeermiska soo raaca gacmaha uu keeno cudurro ay ka mid tahay qandho xad dhaaf ah.

Wuxuu buug ka qoray arrintaas, isagoo dadaal dheer u galay sidii fikraddiisa waxtarka leh loo fahmi lahaa.

Ka dib markii dhowr jeer si khaldan loo arkay daabacaadda buuggiisa, Semmelweis wuxuu ku xanaaqay dadka dhaliilayay wuxuuna dhakhaatiirta aan gacmahooda dhaqin la simay “dadka dilalka qorsheysan fuliya”.

Markii qandaraaskii shaqo ee uu ku joogay isbitaalka guud ee Vienna loo cusbooneysiin waayay, Semmelweis wuxuu dib ugu laabtay waddankiisa Hungary, wuxuuna shaqo aan mushaar lagu siineynin ka billaabay isbitaal lagu magacaabi jiray Szent Rókus, oo ku yaallay magaalada Budapest.

Laakiin dhaleeceyntii loo jeediyay fikradda uu la yimid halkaas kuma joogsanin, caradii uu Semmelweis ka qaaday dhakhaatiirtii dhaqan galin weysay nidaamkiisa gacmo dhaqashadana wuu sii weynaaday.

Source BBC