Gantaaladu xalay waxay ugu yaraan dileen 80askari oo Maraykan ah”Iran oo guulo ka sheegatay weerar ay qaaday

Warbaahinta Iiraan ayaa ku warramaysa in millatariga Iiraan ay 80 askari ku dileen duqeyn ay xalay ka gaysteen saldhigyo millatari oo Mareykanku ku leeyahay dalka Ciraaq.

Iiraan waxay sheegtay in uu guulaystay bartilmaameedkoodii duqeyntu.

Xaaladda bariga dhexe ayaa cakiran tan iyo markii Mareykanku uu dalka Ciraaq ku dilay hoggaamiye dhanka Millatariga ah oo ka soo jeeda dalka Iiraan.