Duga Magaalada Beled weyn oo Ka Hadashay Masiibadii Maanta Ka Dhacday Magaalada Beledweyn Iyo Fatahaada Wabiga

Dooni ay saarnaayeen 13 qof ayaa ku rogmatay magaalada Beledweyne, oo fatahaad xooggan uu ka sameeyey webiag Shabelle.

10 ka mid ah dadkaas ayaa la la’yahay, waxaana ka bad-baaday saddex qof oo ay ku jirto duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale, iyo gudoomiyihii hore ee gobolka hore Cabdifatax Afrax.

Safiyo Xassan Sheekh duqa degmada Beledweyne ayaa ka hadashay sida ay wax u dhaceen.