Deg Deg Al shabaab oo Weerar Qarax ku bilawday Goor dhawayd ku qaaday Magaalada Marka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Magaalada Marko.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ayaa ah Mid culus waxaana Al-Shabaab ay kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin xaafadda Ruusiya ee dhacda dhanka Bari ee magaalada.

Dhowr Jiho ayaa la sheegay in ay Saldhigga ka weerareen.

Dagaalka ayaa wali socda, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ay dareemayaan Cabsi badan,maadaama daryanka Madaafiicda laga maqlaayo Magaalada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka uu ku bilowday Qaraxyo.