Dawlada Federalka Somaliya oo Siyaasi Abdirahman Abdishakuur ku Dalbatay police Isago ku Sugan Malaysia

Dowladda Soomaaliya ayaa hor istaagtay xaflad uu qaban lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Wadanka Malaysiya.

Booliiska Wadanka Malasia ayaa is-hor istaag ku sameeyey Xaflad uu qaban lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame taasoo uu kula hadli lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadankaas.

Warqad ay qortay Safaaradda Soomaaliya ee Wadankaas ayaa sababtay in Booliiska loo gudbiyey dacwad ka dhan ah Cc Warsame, taasoo booliiska Wadanka looga dalbaday in la joojiyo dhammaan kulanka cabdiraxmaan qabanayey.

Jawaabta Booliiska ayaa noqotay in hoolka Xafladda ay galeen kadib markii uu qudbeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana laga dalbaday si aan fowdo laheyn in si dhaqsi ah loo joojiyo xafladda.

Cc Warsame oo aan kula hadlay Telephone ayaa iixaqiijiyey in Xafladda waqtigeedii kahor lasoo gaba-gabeeyey balse aysan wax u dhicin sidii ay rabtay dowladdu oo aheyd in dhammaan la burburiyo Xafladdiisa.

Waa tan warqaddu!