Dawlada Iran oo si kulul uugasoo horjeesatay Ciidamada iyo Diyaaradaha Faransiisku ku daabulayo Bariga dhexe

Dowlada Iiraan ayaa dhaleeceysay Milatariga Faransiiska ee jooga bariga dhexe kuwaasi oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha argagixisada.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iiraan Cabaas Museyfi ayaa dhaleeceyay ciidanka Faransiiska ee ku sugan bariga xeebaha Khaliijka oo u dhow Iiraan.

Hadalkaan ayaa imaanaya laba maalin kadib markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu xaqiijiyay in ay xoojinayaan qalabka difaaca ciidankooda ku sugan xeebaha Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga, isaga oo u diray dayaarado dagaal oo xoojin ah.

Mr Cabaas ayaa yiri joogitaanka milatarigiina waa qalad maxaa yeelay waxay joogaan biyaheena.

Dowlada Iiraan ayaa intaa raacisay in ay ogolaan doonin gardarada Faransiiska iyo cid waliba oo ku soo xadgudubta Biyaheeda.