Ciidamada Maraykanka oo Gantalaadii Iran ku qaraacday kaga badbaaday Godadkii uu Sadaam Xuseen Qotay

Ciidamda Maraykanka ee ku Sugan Saldhigyada uu Maraykanku ku leeyahay Caasimada Baqdaad ee Ciraaq ayaa ka badbaaday weeraraadii Gantaalada ahaa ee Iran ayku weerartay Saldhigyadaasi.

Weerarka ugu daran ee Iran ay qaaday ayaa waxa ay Ku Qaaday Saldhiga lagu Magacaabo Al-Asad warbaahinta CNN ee laga leeyahay Dalka Maraykanka ayaa waxa uu tagay Goobahasi isla markaana waxa uu la kulmay Goobjoogayasha Weeraradasi.

waxa gabi ahaanba ay gantaaladasi burburiyeen Goobihii ay degaanka ku ahaayen Ciidamada Maraykanku iyadoona ay layaab noqotay qaabka ay Ciidankii ku sugnaa Saldhiyadaasi ay ubadbaaden.

Saraakisha Ciidamada Maraykanka ee Habeenkasi ku qornaa Ilaalada Saldhiga laguna magacaabo Ferguson ayaa sheegey”11:30Pm waqtiga Maraykanka aya naloo sheegey inay weeraro nagusoo wajahan yihiin taaso keentay inan Heegan buuxa galno waxase ugu darnayd inan gabaad ka helno meel uu cadawgaagu samaystay”

waxaa uu sidoo kale sheegey inay ku badbaaden isla markaana ay galeen Godad uu qotay Madaxwaynihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen waxana uu sheegey inay Ciidanka ubadan ee Maraykanku ay ku gabadeen Hoyga Dufaaca ee Sadaam Xuseen uu dhistay Sanado badan ka hor.

Ciidamada Maraykanka ayaa maalmo kahor weerarada Iran sii indha indheeyey isla markaana sii diyaarsaday Godadka waawayn ee uu dufaaca udhistay Sadaam Xuseen