Ciidamada Jubbaland oo Soo Bandhigay Rag La Sheegay Inay Magaalada Kismaayo ka Wadeen Falal Amni Daro iyo Hubkoodi

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa ka hortagtay oo soo qabatay shabakad ka kamid ahayd Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo sida lagu sheegay war kasoo baxay Jubaland.Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa Gacanta lagu soo dhigay Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab.Ciidanka waxay tageen oo ay 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed ka soo saareen goobo keyd u ahaa argagixisadda oo ay hubka ku duugteen.Raggan ayaa qirtay inay ka dambeyeen dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo kuwaas oo loo geystay dad aan waxba galabsan.Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka.