Ciidamada Dawlada Soomaliya oo gacanta ku dhigay Askari xalay dil ka gaystay Dhuusamareeb

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan isla Ciidamada,kaas oo xalay Magaaladaasi ku diley qof Shacab ahaa.

Ninka la diley oo dhegaha ama maqalka la’aa ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Siigaale) ayaa dilkiisa waxaa uu yimid,kadib markii Mooto uu saarnaa ay jiirtay goob ay Ciidamada Gaadiidka ku hubiyaan taas oo keentay in askariga uu rasaas ku furo.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in askariga rasaasta ku furey Mootada uu isku dayey in uu baxsado,hayeeshee Ciidamo kale oo goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigen.

“Anaga oo maqaaxi iska fadhina ayaan maqalnay rasaas,waxaana naloo sheegay in C/raxmaan la diley waana ka naxney,balse askarigii dilka geystay waa la qabtay oo ma baxsan ayuu yiri” qof kamid ah dadka Dhuusamareeb.

Dilalka ay Askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda u geystaan dadka Shacabka ah ayaa sii kordhayey saddexdii sano ee la soo dhaafay,kuwaas oo ka dhaca Muqdisho iyo Gobolada dalka.