Cabdirashiid Xidig oo sheegey in ay Doorashada Maamulka Jubaland uxidhantahay Axmed Madoobe

 

Magaalada Kismaayo waxaa siwayn looga dareemayaa Loolanka loogu Jiro Hoggaanka iyo Doorashada Jubbaland, Waxaana Musharixiinta Walaac ka muujinayaan Madaxwayne Axmed Madoobe  oo Dhankiisa dadaal ugu jira siduu Xilka u haysan lahaa.

Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xidig ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay u afduuban tahay habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga, sida uu hadalka u dhigay, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu uu ka shaqeynayo kaliya sidii markale loo soo dooraan lahaa.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa ku baaqay in waddadii saxda aheyd lagu soo celiyo doorashada, haddii kale natiijada ka soo baxda ay ka hor imaan doonaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkani ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo culeys uga imaanaya dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bishan Augusto ee soo socoto ayaa la filayaa in doorashada lagu qabto magaalada Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.