Ayaan Cashuur Gabadhi Madaxwayne Muuse Biixi Ka Qaaday Xilkii Ay Haysay oo Sheegtay Inay Hada Ka Dib Afkeeda Fasax u Tahay

Ayaan Cashuur oo Ahayd Wakiil ka Somaliland u Fadhiya Boqortooyada Britain oo Maanta Madaxweynaha Somaliland Ka Qaaday Xilkaas oo U Magacaabay Madaxweynihii Hore Somaliland Axmed Siilanyo

Ayaa ka Hadashay Siday u Aragto Xil Ka Qaadisteeda Waxayna Tiri Sidan

Madaxwaynihii hore ee xilka ii igmaday, Mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo, iyo Madaxwayne Muse Biihi Abdi oo igu aaminay in aan xilka qaranka usii hayo, waxaan uga mahadcelinayaa mudadii sadexda sanadood ahayd ee ay igu aamineen in aan dalkayga iyo dadkayga ku matalo boqortooyada ingriiska, oo ah dalka ugu muhiimsan Somaliland

marka ay noqoto cilaaqaadka dibada. Waxaa kale oo aan si wayn ugu mahadnaqayaa jaaliyada Somaliland ee UK, mucaarad iyo muxaafidba sidda sharafta leh ee ay xilkaas iigu garab istaageen. Si gaar ah waxaan ugu mahadnaqayaa dhallinyarada iyo haweenka Somaliland siddii qaaska ahayd ee ay ila qabyo tireen hawlaha inna horyaal. Mahad aan la soo koobi karin waxaan u hayaa xukuumada oo idil,

wasiirada qaas ahaan kuwii aanu wada shaqaynta qotada dheer wada yeelanay oo uu ugu horeeyo wasiirkaygii Hore Dr Sacad Ali Shire, Wasiir Shukri baandare, iyo wasiirka iminka wasiir faratoon, Wasiir Libaan, iyo guud ahaan wasaarada arrimaha dibadda. Dalkaaga in aad u shaqaysid waa sharaf, dadkaaga in aad matashidna waa sharaf, se masuulidu waa meerto. dareen ahaan ma qiyaasi karo,

abaalka aan idiinka hayo sidda aad iiga mahadceliseen shaqadii aan qarankeena usoo qabtay. Waxaan shacabkayga iyo dalkaygaba u rajaynayaa guulo waawayn, Danjiraha iga dambeeyana waxaan u rajaynaynaa guul iyo in oo Ilaahey ku asturo xilka – Danjire Abdi Abdilaahi, teamka safaarada Yurub Qalib Farah, Mohamed W Boss,Hanad Darwish iyo Dahir Tukaale iyo qarankaba waan dabo istaageynaa.

Waan wadaynaa, wararkii koobkoobnaana maanta laga bilaabo fasax baan u ahay.

Ayey ku Soo Koobtay Hadalkeeda Ayaa Cashuur