Aabo udhashay Afghanistan oo loo aqoonsaday halyay kadib markii uu Gabadhiisa Baskiilad ku gayn jirey Dugsi waxbarasho oo ujira 7mile

Aabo kasoo jeeda waddanka Afghanistan ayaa caan noqday waxana loo bixiyay Halyaygii Dhabta ahaa.

Aabahan caanka noqday ayaa waxa lagu magacaaba Mia Khan waxa uu inantiisa Baaskeel ku gayn jiray iskuulka isaga oo jaraya 7 Mile maalin kaste waxa aanu sugi 4 saacadood si ay maalintaas usoo dhamaysato waxbarashadeeda wuuna soo celin jiray taas oo ay dheertahay in aanu isagu waxba barannin waxa aanu doonayay in ay noqoto dhakhtarad waayo Tuuladoodu ma ayna lahayn dhakhtar.

waana talaabada loogu Aqoonsaday halyayguu dhabta ahaa.

Usbuucan ayay abaal marisay Wasaaradda Waxbarashada ee waddanka Afghanistan waxa aanay tuuladii ka dhistay Iskuul magaciisa loo bixiyay isaga oo lagu sharfaayo talaabadasi uu qaaday.