Nin Weyn oo Ilmo Curdin Ah oo aan Qaan Gaadhin Kufsaday Sida Ay Xaqiiyeen Maamulka Hospital ka Madiina

Sida lagu Faafiyey Shabakadaha Wararka iyo Baraha Bulshada Gabadh yar oo 9 sano jir ah ayaa waxa lagu kufsaday deegaan ka tiraan shabeelada dhexe.

Askari milatary ah oo ka tirsan ciidanka soomaliya oo ku sugan degmada raaga-ceel ee shabeelada dhexe ayaa la sheegay inuu kufsaday gabadh 9 sano jir ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelada gabadhaasi.

Sidoo kale gabadhan yar ayaa si aada loo jidh dilay sida ay sheegeen maamulka cisbitaalka madiina ee magaalada muqdisho oo gabadhaasi yar la keenay.

Falka kufsigan ayaa ka dhacay guri ka soo horjeeda xarunta degmada raaga-ceele ee shabeelada dhexe waxaana halkaasi ka baxsaday askariga kufsiga gaystay sida ay xaqiijiyeen maamulka degmadaasi

Maaha Markii Ugu Horaysay ee Nin Weyni Degaanadan kufsi Ugu Gaysto Ilmo aan Qaandhin oo Curdin Ah