Daawo Dawlada Somaliya oo Hore Liiska Argagaxisada ugu Dartay Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Ucid Doortay Hada Iyadoo Madaxiisa Dul Dhigtay Lacag Xiligaas

0
Monday September 25, 2017 - 19:17:50 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by
  • Visits: 12222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Dawlada Somaliya oo Hore Liiska Argagaxisada ugu Dartay Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Ucid Doortay Hada Iyadoo Madaxiisa Dul Dhigtay Lacag Xiligaas

    Daawo Dawlada Somaliya oo Hore Liiska Argagaxisada ugu Dartay Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Ucid Doortay Hada Iyadoo Madaxiisa Dul Dhigtay Lacag Xiligaas Kuna eedaysay Inuu Al Shabaab Lacagta U Uruuriyo Iyo Waxa U Ka Yidhi Xiligaas Iyadoon Ilaa Hadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Dawlada Somaliya oo Hore Liiska Argagaxisada ugu Dartay Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Ucid Doortay Hada Iyadoo Madaxiisa Dul Dhigtay Lacag Xiligaas Kuna eedaysay Inuu Al Shabaab Lacagta U Uruuriyo Iyo Waxa U Ka Yidhi Xiligaas Iyadoon Ilaa Hadana Ka Jawaabin Mar Kale

Hargeysa, (ALJ)- Dawlada Somaliya Ayaa Sanadkii 2015 Kii Liiska Argagaxisada Ku Dartay Abbdinaasir Buuni Oo hada loo Doortay Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Ucid Iyadoo Markii Liiska Lagu Daray Laba Sano Ka Hor Muran Ka Dhashay Maadama u Joogay Markaa Magaalada Boorama Ee Somaliland Abdinasir oo aan Ilaa Hada Dawlada Somaliya Ka Saarin liiskii Ay Ku Dartay Ayaa Xiligaa Madaxiisa La Dul Dhigay Lacag la Siin Doono Cida Soo Sheegta

Haba Akhri oo Hoos Ka Daawo Waraysigii Xiligaas Laga Qaaday Abdinasir Buuni



Waxa la weydiiyey Cabdinaasir maaddaama oo Magiciisa qaybo ka mid ah lagu daray Liiskan dadka Lacagta Madaxooda la dul-dhigay, isla markaana Sawirkiisa saxda ah la saaray, inuu jiro wax xidhiidh ah oo uu la sameeyey illaa hadda Hay’adaha Ammaanka iyo dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; "Anigu awalna xidhiidh lamaan lahayn, immikana meelo lagala xidhiidho ma joogo, Koonfurna hadda ma joogo ee waxaan immika kaala hadlayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, halkaas ayaan ku suganahay, dhalasho ahaanna qof halkan (Awdal) ka soo jeeda ayaan ahay.”
"Daw


ladda halkan aan joogaana waa dawlad u carbisan dabagalka oo ay Hay’adeheeda War-doonku ku yihiin caan caalamka oo xataa mararka qaar wax la soo weydiiyo, halka ay khibrad iyo ka gaadheen dawlad wanaag. Markaa, haddaan waxaa ku jiro halkan mabaan joogeen, mana dhaceen waxaas iyo wax la mid ahi. Markaa, waa eedayn aniga shaqsiyan la igula dul-kufay, aanan ka rabo ciddii waxaas samaysay inaan Qaynuunka la tiigsado.” Sidaa ayuu yidhi Cabdinaasir oo sii watay jawaabta uu su’aashaas kore ka bixiyey.
Sidoo kale, mar Cabdinaasir la weydiiyey waxa ay noqon karto sababta Liiskan dadka argaggixisada lagu daray haddii sida uu ku doodayo aanu wax lug ah ku lahayn arrimahaas, isla markaana aanu joogin Koonfurta dalka Soomaaliya waxa ay tahay, waxa uu ku jawaabay; "Waa waxa u baahan in la baadho ee Adduunyada iyo Caalamka oo dhan aan la kaashan doono anigoo markasta u mari doona dawladda aan halkan la joogo ee aan Muwaaddiniinteeda ka mid ahay, waa waxyaabaha aan doonayo in la baadho oo si caalami ah loo baadho, maaddaama oo meeshaasi nidaam iyo kala dambayn lagu kalsoonaan karaa aanay ka jirin oo ay qayrul-masuulnimadan oo kale soo baxayso




Waxa Cabdinaasir Buuni la weydiiyey in maaddaama oo ay dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay ciddii liiska lagu daray ee aan shaqo ku lahayn inay Hay’adaha Amniga Soomaaliya la xidhiidhaan oo tagaan goobohooda si magacyadooda looga saaro Liisaska argaggixiso ee ay ku jiraan, sidaa awgeed inay la tahay inuu xidhiidh toos ah la sameeyo dawladda Soomaaliya, waxa uu yidhi; "Wax kasta oo aniga gef igu ah wax kasta oo caddaynaya inaanan waxaas ku jirin aniga Shaqsiyan ayaa ku qasban, hadday iyaga tahayna aan helo meelo lagala xidhiidho, anigoo markasta u maraya dawladda halkan (Somaliland) ee aan Muwaaddiniinteeda ka midka ahay, xidhiidhkuna uu noqon doono mid dawladdaydu ka warqabto. Waxaanan kuu sheegayaa, xalay (habeen-hore) markii arrintani soo baxday, waxaan markiiba xidhiidh la sameeyey Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal, waxaan ku war-geliyey in waxaasi jiraan. Markaa, waxaan ahay nin ku xidhan dawladdiisa, waxaasna beri ka ah. Markaa, wax kasta oo lagula xidhiidhi karo iyaga (Soomaaliya) oo iyaguna ku qancayaan waxa weeyaan waa la samaynayaa.”





Mar la weydiiyey Cabdinaasir inuu jiro wax xidhiidh ah oo uu Hay’adaha Caalamiga ah la leeyahay sida lagu eedeeyey, waxa uu ku jawaabay; "Hay’adaha iyagu ay sheegeen ee ay igu eedaynayaan anigu Hay’ado aan xidhiidh la leeyahay haba-yaraatee ma jirto. Nin dhuumanaya anigu ma ihi oo Madixiisa Lacag la saarayo, waxa looga fadhiyaa iyaga oo cidda aan u kala gudbiyey, cidda Ganacsatada ah iyo Hay’adaha ay sheegayaan in ay xusaan oo ay Adduunyada u bandhigaan. Laakiin, qof inta barihiisa uu gaarka u leeyahay Sawirkiisa lagala baxo Magiciisa iyo Sawirkiisa in la iska shaaciyo wax la iskaga hadhayo maaha, aniguna ma ihi qof noocaas ah, waanigaa maantaba Warbaahintii ugu caansanayd Soomaalida la soo xidhiidhay.” Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni



Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu wax ka weydiisay, waxa ay yihiin dadkan 12-ka qof ah ee ay dawladdu Madaxooda Lacagta dul-dhigtay, waxaanu ku jawaabay; "Waa Barnaamij cusub oo la dhaho; ‘Ajarna Shaqayso, Adduunna qaado’ Barnaamijkan waxa weeye dawladda, ayaa Madaxa dadka Soomaaliya dhibaya ee fikirka xag-jirka ahi ku talax-tegay ee dadka laynaya ee qarxinaya. Golaha Wasiirradu 11 Hoggaamiye oo Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ah ayey Lacag dul-dhigeen, haddana waxa ay dawladda iyo Hay’adda Nabad-sugiddu ku dareen tiro kale oo ka hawlgala Soomaaliya, markaa Lacag baa Madaxooda la dul-dhigay, si looga badbaado dilka iyo dhaca. Markaa, Shacabka ayaannu ugu baaqnay inay Warbixintooda soo siiyaan Ciidammada Ammaanka si loo qabqabto.”



Waiir Maareeye oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Cabdinaasir oo ka mid ah Liiska 12-ka qof ee ugu dambeeyey ee Madaxooda Lacagta la-dul-dhigay uu BBC-da u sheegay inuu beri ka yahay eeddaas, isla markaana uu caddaynta dembigaa lagu sheegay dawladda uga fadhiyo oo aanu garanayn sababta Sawirkiisa looga baahiyey TV-ga dawladda, waxa uu ka odhanayo, waxa uu yidhi; "Waxaannu ugu jawaabaynaa, marka ugu horreysa dadkan waxaannu iska kaashannay oo xogtooda rasmiga ah iyo dembiyada xataa hadday yimaaddaan lagu Maxkamadaynayo haysa Hay’adda Nabad-sugidda iyo Ciidammada Booliska, laakiin waxaannu oggolnahay inuu soo xidhiidho, meesha ugu dhaw sharciga hor-tago, isna difaaco oo is-bari yeelo.”




"Haddii markaa, Xogta laga hayey ma sheegi karo hadda ee uu iska difaaco oo is-bariyeelo, ummadda Soomaaliyeed ee Sharafta leh ayuu ka mid noqonayaa, haddii dhaawac sharafkiisa loo geystay oo Warkaasi been noqdana dawladdu way dhayeysaa sharafkiisa wixii gaadhay. Laakiin, anigu waxaan aamminsanahay dadkii halkaas galay inay boqolkiiba sagaashan iyo sagaal ay yihiin dad dembiilayaal ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Maareeye oo sii watay jawaabta uu su’aashaas kor lagu weydiiyey.





>


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO