Daawo Shirkadaha aduunkoo Ku Tartamaya Soo Saarista Wax Aan Hore Addunka Loogu Arag Iyo Shirkad Soo Saartay Computer Laptop Addunka Ka Yaabiyey Sadex Qof Na Hal Mar U Adeegi Kara War Bixin + VEDEO

0
Friday January 06, 2017 - 18:15:42 in Wararkii u danbeeyay by Super Admin
  • Visits: 2684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Shirkadaha aduunkoo Ku Tartamaya Soo Saarista Wax Aan Hore Addunka Loogu Arag Iyo Shirkad Soo Saartay Computer Laptop Addunka Ka Yaabiyey Sadex Qof Na Hal Mar U Adeegi Kara War Bixin + VEDEO

    Shirkadda sameyso kombuyuutarada game-ka ee Razer ayaa shaaca ka qaaday fikrad ay ku soo saareyso laptop leh seddax shaashad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda sameyso kombuyuutarada game-ka ee Razer ayaa shaaca ka qaaday fikrad ay ku soo saareyso laptop leh seddax shaashad.


Laptop ka seddaxda shaashad lehImage copyrightRAZER
Image captionRazer waxay sheegatay in combuyuutarkeedaan seddaxda shaashad leh uu yahay kii ugu horeeyay ee caalamka


Waxay arrintaasi ku daahfurtay xarunteeda teknolojiyadda ee magaalada Las Vegas, ee dalka Mareykanka.

Shirkadda waxay ku sheegeysaa in kombuyuutarkeeda uu yahay noocii ugu horeeyay ee caalamka ee seddax shaashad leh.

Cilad gashay taleefankii u dambeeyay ee Samsung

Faa'iidada Samsung oo hoos u dhacday

Laptop-kan ayaa leh laba shaashad oo geesaha ah iyo midda dhexe, waxayna u soo bandhigayaan hab otomaatig ah.

Razer laptop
Image captionLaptop-ka leh seddaxda shaashad

Mid ka mid ah khubarada dhanka teknolojiyadda ayaa amaanay qaabkan cusub.

Shirkadda ayaa lagu amaanay inay si sare ay sameyneyso kumbuyuutaro heerkoodu sareeyo.

Dhammaan seddaxda shaashad midiiba waxaa cabirkeeda lagu qiyaasaa 17in (43cm).

Shirkadda Apple oo iPhone 7 soo bandhigeysa

Shaqaalaha diyaaradda Korean Air oo xoog u adeegsan doona rakaabkii qas la yimaadda

Google oo bilawday video app oo lagu hadlo - Duo

"Waxay nala ahayd in tani aysan caadi ahayn, ma sameyn karnaa tan?", Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa BBC-da sidaas u sheegay.

"Jawaabto waa haa, Caadi manihin. Waan sameyn karnaa'." ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenkaas.

Shirkadda Razer weli maysan shaacinin xilliga dhabta ah ee laptop-kan uu diyaarka noqonaayo iyo qiimaha ay ku iibin doonaan.

Shaashadaha waxaa isku xiraayo biroImage copyrightRAZER
Image captionShaashadaha waxaa isku xiraayo biro

Sababta ay laptop-kan u sameeyeen ayaa ah in dadka game-ka ciyaara iyo kuwa muuqaallada jarjara ay awood u yeeshaan inay si waasac ah u qabtaan waxa ay ka shaqeynaayaan.

Waxaa jiro dad marka ay shaqeynaayaa u baahan ugu yaraan laba shaashad oo ay kala socon karaan howshooda.

CES logoImage copyrightGETTY IMAGES
Image captionCES logo

Waxaa jiray shirkado kale oo horey u shaaciyay noocyo kala duwan oo leh shaashado waaweyn.

Madaxa FBI 'ayaa laga yaabaa inuu jabiyay sharciga'

Shirkadda Acer ayaa soo bandhigtay laptop leh shaashad cabirkeedu yahay 21in oo qiimihiisu uu yahay $8,999 oo dollar.




Shirkadda Samsung xittaa waxay daahfurtay Laptop Game oo lagu magacaabo Samsung Notebook Odyssey oo cabirkiisu kala yahay 17in iyo 15in



Source bbc






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

Muuqaallo