Daawo Yaabka: Sheekh Shibli la hadlay Xildhibaanada "Hadii la idin dhaarsado, oo Lacagta Qaadataan, Labaduba waa Xaaraan, ee Codka Ha siinina" (Video)

0
Wednesday January 04, 2017 - 16:51:58 in Wararkii u danbeeyay by Super Admin
  • Visits: 6998
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Daawo Yaabka: Sheekh Shibli la hadlay Xildhibaanada "Hadii la idin dhaarsado, oo Lacagta Qaadataan, Labaduba waa Xaaraan, ee Codka Ha siinina" (Video)

    Sheekh Shibli oo kamid ah Culimada Soomaaliya ayaa ka hadlay ololaha doorashada iminka ka taagan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somaaliya, Wuxuuna si gaar ah diirada u saaray lacagaha ay sida sharci-darada ah ay ku qaadanayaan Xildhibaanada Baarla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Shibli oo kamid ah Culimada Soomaaliya ayaa ka hadlay ololaha doorashada iminka ka taagan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somaaliya, Wuxuuna si gaar ah diirada u saaray lacagaha ay sida sharci-darada ah ay ku qaadanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay ku badalanayaan Codkooda.

Go’aanka Xildhibaanada oo ah iney codkooda lacag ku badashaan ayaa lagu sheegay iney tahay mid danbi ah, islamarkaana Aaqiro iyo Adduun lagula xisaabtamayo.



Wuxuu sheegay Sheikh in Xildhibaanada mas’uul ka yihiin shacabka,islamarkaana wakiil kaga yihiin cida ay door bidayaan inuu madaxweynaha u yahay, Wuxuuna sheegay inay Laba danbi ku dhacayaan Xildhibaanada, Iyadoo marka Koobaad uu Qaadanayo Laaluush, Sidoo kalana Qof aan u Qalmin Xilka madaxwaynaha ay Dooranayaan.






Sidoo kale wuxuu sheegay In Xildhibaano hadii Lacag Qaato, oo Qofka Musharaxa ah uu Dhaariyo, Inaan Hadana Lagu Lahayn Inuu u Codeeyo, Isagoo sheegay inay marka Horaba Dhaarta iyo Lacagtu tahay mid Xaaraan ah, Shareecaduna Aysan Qabin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

Muuqaallo