Taliye Indha-Qarshe" Tiradii ugu badneyd oo Al-Shabaab ah ayaa isa-soo dhiibay"

0
Tuesday June 11, 2019 - 15:08:53 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Indha-Qarshe" Tiradii ugu badneyd oo Al-Shabaab ah ayaa isa-soo dhiibay"

    Taliye Indha-Qarshe" Tiradii ugu badneyd oo Al-Shabaab ah ayaa isa-soo dhiibay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Indha-Qarshe" Tiradii ugu badneyd oo Al-Shabaab ah ayaa isa-soo dhiibay"

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen; Indhaqarshe oo Saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka ay tahay mid Dalka ka saari karta Al-Shabaab.


S/gaas Daahir Aadan Cilmi Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxa uu sheegay in ka badan 30 ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka todobaadyadii la soo dhaafay.



Taliyaha ayaa isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku macneeyay, howl gallada is daba joogga ah ee ay Ciidamadu ka sameeyaan goobaha ay kaga sugnaayeen Gobolada dalka Soomaaliya.

S/gaas; Daahir Aadan, ayaa beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday keydkii Hubka Wasaarada gaashaandhigga, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

Warbaahinta qaar ayuu uga digay in ay ku dhaqmaan wax ka baxsan sharciga iyo nidaamka u dagsan Dalka,wuxuuna faray in ay ka digtoonaadaan wararka ay ka faafinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO