Deg Deg:Jabhad kale oo ka Duwan Tii uu hogaaminayay Kornel Caare oo ka Samaysantay Deeganada Bariga Somaliland

0
Tuesday June 11, 2019 - 08:46:12 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:Jabhad kale oo ka Duwan Tii uu hogaaminayay Kornel Caare oo ka Samaysantay Deeganada Bariga Somaliland

    Deg Deg:Jabhad kale oo ka Duwan Tii uu hogaaminayay Kornel Caare oo ka Samaysantay Deeganada Bariga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg:Jabhad kale oo ka Duwan Tii uu hogaaminayay Kornel Caare oo ka Samaysantay Deeganada Bariga Somaliland

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in jabhad hubaysan oo ka horjeedda Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi.

Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO