Gudoomiyihii labad oo diidey xilka qaadis lagu sameeyey xili ay Magaalada Baladwayne oo ahayd Magaaladi hore ay qarka usaarantahay Dagaal

0
Monday June 10, 2019 - 09:29:07 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii labad oo diidey xilka qaadis lagu sameeyey xili ay Magaalada Baladwayne oo ahayd Magaaladi hore ay qarka usaarantahay Dagaal

    Gudoomiyihii labad oo diidey xilka qaadis lagu sameeyey xili ay Magaalada Baladwayne oo ahayd Magaaladi hore ay qarka usaarantahay Dagaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii labad oo diidey xilka qaadis lagu sameeyey xili ay Magaalada Baladwayne oo ahayd Magaaladi hore ay qarka usaarantahay Dagaal

Cabdi Rashiid Xaashi Cartan oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hor yimid xilka qaadistii lagu sameeyay.


Cabdirashiid Cartan oo Goordhow shir Jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Wareegtadii xilka looga qaaday aysan waxba ka jirin,isla markaana uu u hogaansami doonin amarkii xilka looga qaaday.



Sidoo kale waxaa uu sheegay Cabdirashiid Cartan in uu weli yahay Guddoomiyaha Gobolka Mudug lagana taageersan yahay halkaasi,sidoo kalena dowladda Federaalka Soomaaliya laga taageersan yahay Gobolka Mudug.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ugu baaqay in uu u diyaar garoowo Doorasho Bisha soo socota July ee 2019 ,isla markaana waxaa uu tilmaamay in Galmudug xriirka ay u jartay dowladda Soomaaliya uu ku egyahay oo kaliya Madaxweyne Xaaf.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan,iyadoona loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiyire (Isxal).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO