Gudoomiye Xilka Laga Qaaday Oo Dagaal Kula Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baladwayn Ee Gobolka Hiiraan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
Sunday June 09, 2019 - 16:53:08 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xilka Laga Qaaday Oo Dagaal Kula Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baladwayn Ee Gobolka Hiiraan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Gudoomiye Xilka Laga Qaaday Oo Dagaal Kula Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baladwayn Ee Gobolka Hiiraan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Xilka Laga Qaaday Oo Dagaal Kula Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baladwayn Ee Gobolka Hiiraan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka laga heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Gudomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay la wareegeen inta badan magaalada, kadib markii uu diiday xil ka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha Hirshabeelle.


Ciidamada daacadda u ah Dabageed ayaa gacanta ku dhigay xarunta maaliyadda maamulka Beledweyne iyo dhammaan koontaroolada laga galo magaalada, oo ay hadda si buuxda u maamulayaan, Waxaana Gudaha magaalada lasoo dhoobay ciidamo dheeraad ah oo daacad u ah Dabageed.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale ayaa la sheegay in xabsi Guri haatan looga dhigay magaalada Baladweyne, Waxaana Wararka qaar sheegayaan in wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameyn karin, guddoomiye Caraale oo uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Arrinta ugu weyn ee Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne toos loogu shubo Bangiga maamulka HirShabeelle oo isaga uu maamulo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO