Cabsi laga qabo in Weerar lagu Qaado ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Deeganada Dhulka Iraq Xili Xiisadi ka Dhextaagan tahay Maraykanka Iyo Iran.

0
Wednesday May 15, 2019 - 13:32:36 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabsi laga qabo in Weerar lagu Qaado ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Deeganada Dhulka Iraq Xili Xiisadi ka Dhextaagan tahay Maraykanka Iyo Iran.

    Cabsi laga qabo in Weerar lagu Qaado ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Deeganada Dhulka Iraq Xili Xiisadi ka Dhextaagan tahay Maraykanka Iyo Iran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabsi laga qabo in Weerar lagu Qaado ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Deeganada Dhulka Iraq Xili Xiisadi ka Dhextaagan tahay Maraykanka Iyo Iran.

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka, Bill Urban ayaa sheegay in Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka heegan sare la geliyey, iyadoo laga cabsi qabo in la weeraro Ciiddankooda.


Hadal-qoraal oo uu soo saraay ayuu Afhayeenka ku sheegay inay heleen digniin ku aadan Khatartaasi, wuxuuna xusay inay si dhow u ilaalayn doonaan xaalladda.

Mar sii horreysay, Ku-xigeenka Ciiddanka Isbahaysiga Maraykanka hoggaamiyo, Jeneral Kiristofar Gika oo u dhashay Britain ayaa sheegay in heerka cabsida ee Kooxaha ay Iiraan taageerto ee ka dhanka ah Ciiddanka Isbahaysiga ee ku sugan gudaha dalalka Iraq iyo Syria aysan sare u kicin.

Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay kordhiyeen Ciiddankooda ka jooga Gobalka Bariga Dhexe , iyagoo Markab Diyaaradaha xambaarta u direen Gacanka Beershiya.

Milliteriga dalalka Iiraan iyo Maraykanka ayaa qarka u saaran inuu dhex maro Dagaal lagu hoobto, inkastoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mayk Bombeeyo shalay sheegay inaysan doonaynin inay dagaal la galaan Iiraan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO