Cabdiraxmaan CabdiShakuur: Sidii Axmed Godane wiil isku qarinaya ayaa saxaafadda looga mamnuucay baarlamanka

0
Sunday April 14, 2019 - 16:21:26 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan CabdiShakuur: Sidii Axmed Godane wiil isku qarinaya ayaa saxaafadda looga mamnuucay baarlamanka

    Cabdiraxmaan CabdiShakuur: Sidii Axmed Godane wiil isku qarinaya ayaa saxaafadda looga mamnuucay baarlamanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan CabdiShakuur: Sidii Axmed Godane wiil isku qarinaya ayaa saxaafadda looga mamnuucay baarlamanka

Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo inta badan fagaarayaasha ka dhuunta ayaa lagu arkay gudaha Xarunta Baarlamaanka, waxaa uu ka mid yahay Taliyeyaasha su’aalaha la weydiinayo, inkastoo Warbaahinta ay dibad joog ka tahay.


Fahad oo la waydiiyey Su’aalo dhawr ah ayaa uga jawaabayey si kooban sidoo kalana su’aalaha intooda badan wuxuu uga jawaabayey "Shaqo kuma lihi”.

Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Siyaasi wax badan ka yaqaan Siyaasadda isla markaasna si weyn u mucaaradsan Siyaasadda ay dowladda Farmaajo ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay sababata Baarlamaanka looga mamnuucay Saxaafadda iyo sababta XIldhibanada loogu amray inay taleefoonada damiyaan sidoo kalana aysan badin Su’aalaha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka sidaas loo yeelay wiil sida Godane oo kale isku qarinayo oo uu ula jeedo Fahad Yaasiin, ogowse Godane waa Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee la dilay kaasoo inta badan Fagaarayaasha aan lagu arki jirin.

” Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idilna waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo Qoraalkaan kusoo qoray Bartiisa Facebook ayaa kusoo aadiyey Xilli uu Fahad Maanta wajahayo Su’aalihii ugu adkaa oo kaga imaanayo Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO