XOG: Muuse Suudi oo Diiday Dhaqaale loo Bandhigay & Dowlada Qatar oo Waji gabax kala kulantay farogalin ayku samaynaysay

0
Sunday April 14, 2019 - 12:09:02 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Muuse Suudi oo Diiday Dhaqaale loo Bandhigay & Dowlada Qatar oo Waji gabax kala kulantay farogalin ayku samaynaysay

    XOG: Muuse Suudi oo Diiday Dhaqaale loo Bandhigay & Dowlada Qatar oo Waji gabax kala kulantay farogalin ayku samaynaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOG: Muuse Suudi oo Diiday Dhaqaale loo Bandhigay & Dowlada Qatar oo Waji gabax kala kulantay farogalin ayku samaynaysay

Dowlada Qatar ay lacago aad u badan u ogoshahay hadii Senator Muuse Suudi uu ka guurayo dhulka Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya.


Sarkaal u dhow Muuse Suudi ayaa inoo sheegay inuu iska diiday xaajiga lacagahaasi, isagoo ku adkeysanaya inay sharci ku degan yihiin dhulkaasi.

Dowlada Qatar ayaa Lacago Malaayiin Dollar ah ku wareejisay Dowlada Soomaaliya si dhulkaasi ay kaga dhisato xarumo diblumaasi oo ay ku yeelaneyso Soomaaliya, balse xiisad ka dhalatay arrintan ayaan wali xal dhab ah laga gaarin maadaama Labada dhinacba ay ku goodiyeen inay awood isticmaali doonaan.

Dowlada Qatar ayaa gadaal ka riixeysa arrintan,iyadoo Dowlada Soomaaliya dhankeeda ay ka go’an tahay lacagaha laga qaaday Qatar in la celin balse dhulkaasi sidii looga saari karo Muuse Suudi iyo Shaqsiyaadka ku jira looga saaro.



Muuse oo waagisii hore looga bartay hogaamiye kooxeed leh ciidammo abaabulan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamo hubeysan oo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin dhulka uu degan yahay, iyadoo Shacabka degan agagaarkiisa ay walwal iyo cabsi ku joogaan halka qaarkood ay iskaga carareen.

Waxaa socda dadaalo gaba gabo maraya oo lagu doonayo in xiisadan lagu damiyo, iyadoo Muuse Suudi uu diiday lacago lagu wareejiyo iyo dhul kale oo loogu bedelo xerada marino oo sanado badan uu degan yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO