Tacadiyada Joogta Ah Ee Warbaahinta Madaxa Banaan Kala Kulmaan Xukuumada !

0
Friday March 29, 2019 - 18:09:51 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by M Ayaanle
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacadiyada Joogta Ah Ee Warbaahinta Madaxa Banaan Kala Kulmaan Xukuumada !

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda.
Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi.
Maxkamaddaynta saddexda wariye ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Somaliland aanay wax talaabo ah ka qaadin askarigii gacanta u qaaday wariye Sagal Beel-deeq, taasoo askarigaasi shaqadeeda ka hor istaagay si la mid ah sifaha keenay fal celintii saddexda wariye ku dhex martay askarigii la amray inuu shaqadooda ka hor istaago.
Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan.
Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen.
Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso.
Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda iyo xukuumadda.
Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay'addaha warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka.
Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha SOLJA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO