Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xiisada Iyo Saan Saanta Dagaal Ee Somaliland Iyo Puntland Ku Dhexmaraysa Gobolka Sanaag Iyo Xiisad Ka Taagan Deeganka Yubbe iyadoo Ciidamada Puntland ay Wadaan Dhaq Dhaqaaqyo Cusub

0
Wednesday March 13, 2019 - 15:26:42 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xiisada Iyo Saan Saanta Dagaal Ee Somaliland Iyo Puntland Ku Dhexmaraysa Gobolka Sanaag Iyo Xiisad Ka Taagan Deeganka Yubbe iyadoo Ciidamada Puntland ay Wadaan Dhaq Dhaqaaqyo Cusub

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xiisada Iyo Saan Saanta Dagaal Ee Somaliland Iyo Puntland Ku Dhexmaraysa Gobolka Sanaag Iyo Xiisad Ka Taagan Deeganka Yubbe iyadoo Ciidamada Puntland ay Wadaan Dhaq Dhaqaaqyo Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xiisada Iyo Saan Saanta Dagaal Ee Somaliland Iyo Puntland Ku Dhexmaraysa Gobolka Sanaag Iyo Xiisad Ka Taagan Deeganka Yubbe iyadoo Ciidamada Puntland ay Wadaan Dhaq Dhaqaaqyo Cusub

Deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Yubbe waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, kadib markii Soomaaliland ay deegaanadaas geystay Ciidamo farabadan oo u badan millateri.

Sidoo kale deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, kuwaas oo la soo werinayo in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi ka wadeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa shalay sheegay in Puntland marnaba u dul qaadan doonin daandaansi uu sheegay in Soomaaliland ay ka wado deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxana uu sheegay in Puntland ay jawaab ka bixineyso.

Bulshada ku nool Gobolka Sanaag ayaa walaac ka muujiyey Ciidamada Soomaaliland ee tegay deegaanadaas, waxaana Warbaahinta ay u sheegeen inay ka baqdin qabaan in dushooda lagu wada dagaalamo.

Taliyaha Ciidamada Soomaaliland ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa isagana waxa uu sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo ilaalinaya xaduudka Soomaaliland oo uu sheegay inaysan aqbaleyn in lagu soo xadgudbo.

Puntland ayaa Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay waxaa ay sidoo kale ku sheegtay in Soomaaliland ay dooneyso inay wiiqdo howlgallada Puntland ay kula dagaalameyso waxa loogu yeero argaagxisada, hayeeshee ay dul qaad muujin doonaan.

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland Cabdi Shukri Cabdullaahi ayaa xilkii iska casilay,waxaana la sheegay inay ka dambeysay kadib markii ay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni isku khilaafeen habka loo wajahayo dagaalka kala dhaxeeyo Soomaaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO