Madaxwaynaha Turkiga Iyo Raysalwasaraha Isra'iil Oo Maanta Markale Isdhaafsaday hadalo Aflagaado Qaawan Ah Oo Midba Midka Kale Ku Weeraray.

0
Wednesday March 13, 2019 - 15:05:02 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by . .
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Turkiga Iyo Raysalwasaraha Isra'iil Oo Maanta Markale Isdhaafsaday hadalo Aflagaado Qaawan Ah Oo Midba Midka Kale Ku Weeraray.

    Madaxwaynaha Turkiga Iyo Raysalwasaraha Isra'iil Oo Maanta Markale Isdhaafsaday hadalo Aflagaado Qaawan Ah Oo Midba Midka Kale Ku Weeraray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Turkiga Iyo Raysalwasaraha Isra'iil Oo Maanta Markale Isdhaafsaday hadalo Aflagaado Qaawan Ah Oo Midba Midka Kale Ku Weeraray.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray "Kaligii taliye” iyo "khiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen.


Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu "Cunsurinimo cad” kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii "Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn.

"Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram.

Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri "Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca”

Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri "Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yidhi Netanyahu.

Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO