Dawlada Turkiga oo U Hiilisay Muslimiinta Wadanka China ee Cadaadiska Lagu Hayo oo In Badan Sucuudigu Afka Ka Xidhay iyo Hoagaanka Muslimiinta Aduunka oo Hada Ka Dib aan Sucuudi Sheegan Karin

0
Sunday February 10, 2019 - 16:10:50 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by Super Admin
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga oo U Hiilisay Muslimiinta Wadanka China ee Cadaadiska Lagu Hayo oo In Badan Sucuudigu Afka Ka Xidhay iyo Hoagaanka Muslimiinta Aduunka oo Hada Ka Dib aan Sucuudi Sheegan Karin

    Dawlada Turkiga oo U Hiilisay Muslimiinta Wadanka China ee Cadaadiska Lagu Hayo oo In Badan Sucuudigu Afka Ka Xidhay iyo Hoagaanka Muslimiinta Aduunka oo Hada Ka Dib aan Sucuudi Sheegan Karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga oo U Hiilisay Muslimiinta Wadanka China ee Cadaadiska Lagu Hayo oo In Badan Sucuudigu Afka Ka Xidhay iyo Hoagaanka Muslimiinta Aduunka oo Hada Ka Dib aan Sucuudi Sheegan Karin

Wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa dhaliishay qaabka uu Shiinaha ula dhaqmo qowmiyadda dalkaasi looga tirada badan yahay ee Wiiga, waxaana xukuumadda Ankara ay ku tilmaantay xariga baahsan ee dadkaasi lagula kaco mid ceeb ku ah aadanaha.



Afhayeen u hadlay Turkiga ayaa sheegay in milyan qof oo Wiiga ah lagula kaco jirdil iyo marin habaabin siyaasadeed, isla markaana lagu hayo xarumo la isugu geeyay, halka 9 milyan oo kalena ay xor yihiin balse ay khatar ugu jiraan dhibaato noocaasi ah.

Warkan carada leh ee ka soo baxay Turkiga ayaa daba socday geeri la sheegay inay ku timid fanaan caan ah oo u dhashay muslimiinta Uighur oo lagu magacaabo Abdurehim Heyit, kaas oo ku xukunnaa 8 sano oo xabsi ah.

Xukuumadda Shiinaha ayaa u aragta fanaankaasi mid heesihii ku kicin jiray Muslimiinta dalkaasi.



Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga, Hami Aksoy, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay xoojin doonto sida shacabka dalkiisa ay uga soo horjeedaan siyaasadaha Shiinaha ee ku aaddan Muslimiinta Uighur-ha.

Shiinaha ayaa dhankiisa ku doodaya in xeryaha dadkaasi uu u sameeyay ay yihiin kuwo dib wax loogu barayo.

Qowmiyaddan Uighur-ha ayaa ah boqolkiiba 45 dadka ku nool gobolka WG Shiinaha ee Xinjiang.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Waxa ay isu arkaan kuwo dhaqan iyo qowmiyad ahaanba u dhaw dalalka ku yaal bartamaha Aasiya, luuqadoodana waxa ay aad ugu dhaw dahay tan Turkiga.

Tobanaankii sano ee la soo dhaafay, qowmiyadda Han ee ah tan ugu badan Shiinaha ayaa ku soo badanaysay gobolka Xinjiang, waxaana taasi ay cabsi gelisay Uighur-ha.

Xinjiang ayaa ah gobol ismaamul hoose leh sida kan dhanka koonfur kaga beegan ee Tibet.

Image result for china muslims

Related image

Laamaha ammaanka ee Shiinaha ayaa sanadihii dambe fiira gaar ah u lahaa bulshada Uighur-ha 

Qoomiyadan Ayaa Leh Calan Calaamada Islmaamku Ka Dhex Muuqato oo U eeg Ka Somaliya Iyo Turkiga oo la isku Daray iyado laba wadan ba calankoodu soo Jiito

Image result for Uighur somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO