Saldhigga Axmed-Dhagax iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay: Suuliyadii Dirxiga Lahaa! Qolaalkii laga Raacay Abwaanka Xidhan

0
Friday January 18, 2019 - 00:22:44 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by Super Admin
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Axmed-Dhagax iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay: Suuliyadii Dirxiga Lahaa! Qolaalkii laga Raacay Abwaanka Xidhan

    Saldhigga Axmed-Dhagax iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay: Suuliyadii Dirxiga Lahaa! Qolaalkii laga Raacay Abwaanka Xidhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saldhigga Axmed-Dhagax iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay: Suuliyadii Dirxiga Lahaa! Qolaalkii laga Raacay Abwaanka Xidhan

Saldhigga Axmed-Dhagax iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay: Suuliyadii Dirxiga Lahaa!

Habeennimo ayaa la igu xidhay xarunta taraafikada ayaa subaxnimadii la ii qaaday xeer-ilaalinta iyo maxkamadda Maroodijeex. Waxaana maxaabiista lagu kala celinayay xarumihii ay ku xidhnaayeen.




Markii gaadhigu marayay Saldhigga Axmed-Dhagax oo maxaabiis lagu dejinayo ayaa la yidhi "Kanna xareeya”. Waan ka cudur-daartay, aniga oo jeclaa in la fuliyo amarkii geynta Saldhigga Dhexe, haddii goob kale la ii walwaalayo waxa aan jeclaa Saldhigga New Hargeysa oo ii dhawaa. Lama yeelin codsigayga, si jujuub ah ayaa la igu rogay. Waan is-giijiyay, markii ay qarka u fuushay in la guulo ayaan guddoomay in la igu handaraabo Axmed-Dhagax. Suunkii iyo kabihii ayaan isku xidhay. Furihii gaadhiga oo aan watayna waa aan u dhiibay.




"Ninkaas bannaanka fadhiisiya. Xanuunka macaanka ayuu leeyahay. Ma xammili karo qolalka” ayay taraafikadi yidhaahdeen. Sidaas awgeed ayaa judhiiba la ii geeyay geed ay hoos seexdaan dhawr maxaabiista ka mid ah oo isugu jiray odayaal, da’yar iyo nin aan u maleeyay in uu qabo xanuunnada dhimirka oo ay katiinadi ku xidhnayd.

Waxa la-yaab ah in maxaabiistu isa sii gumaysto. Kuwo la bahdilay ayaa isa sii budeeya/bireeya. Cusaybka ayay maangaabku waadaaliyaan. Oday magaciisu ahaa Digaale oo aan nin weyn u maleeyay ayaan cawdiisa xagga dambe kaga fadhiistay. Gadhka iyo cirrada ayaan mooday in uu duqayti ama waxgarad yahay, sidaas ayaan ugu dhawaaday. Taleefan ayuu haystay, ma se weydiisan. Wiil xagga maxkamadda nalaga wada keenay ayaan ka wacay hal qof, oo aan u sheegay in Axmed-Dhagax la igu rogay.



Waayeelkii ayaa markiiba igu yidhi "Gogosha iiga kac”
"Haye” ayaan idhi, tii ku xigtay ayaan u durkay aniga oo raba in aan jiifsado inta aan meesha la qabsanayo.
Waxa uu ku xigsiiyay "Ha na ag seexan. Waan qayilaynnaa. Halkaas shishe tag”
"Waayahay” baan idhi, inta aan ka fogaaday ayaan is duudduubay. Intaas waxa aan ka feejignaa in uu dhaco khilaaf sababa in nala abudho oo qolalka na loo dhaadhiciyo. Ma rabin in aanu hawada isu xisdino.




Waxa uu haddana yidhi "Xaggeed u seexanaysaa?. Keen kiradii bannaanka, haddii kale waan ku xerayn”. Maxaan is-daadraaciyay "Waa af aan wax ka gartay. Waa in lacagta la soo shubo markaan ummadda la hadlo, igu hallee. Taleefankana keen” ayaan idhi. Moobil haawanaya ayuu ii dhiibay oo goostay. In aan dadka ku waco adeegga laga naxo ila-wadaag ayay ka fursan weyday. Ninkii aan rabayna laba jeer ayuu igu jaray khadka, mar saddexaadkii ayuu dirqi iyo tu’ baas ku qabtay, illeen waa nin aan lacagtiisa kula hadlayo’e.



Waxa aan wacay dukaan si ku-hadal loogu shubo, markii taasi hirgashay ayaan walaalkay wacay. Isaga oo aan iga qaban ayay xaaladdi mar qudha is beddeshay, waxaana soo galay askari hore uga tirsanaa taraafikada oo loo beddelay Saldhigga Axmed-Dhagax iyo koox ciidan ah oo la socota. Hugunkooda waxa aan ka dareemay inay igu jihaysan yihiin. Ilma is-daba-yaac aniga ayay diiradda igu hayeen.



Waxa hormood u ahaa Xiddigle Abshir Madaxa baadhista ee Saldhigga Axmed-Dhagax. "Muxuu ahaa kaas bannaanka fadhiyaa?. Xareeya” ayuu yidhi. Waxa aan u sheegay sababta la ii fadhiisiyay daaradda, laakiin wuxuu ku adkaystay in la i bannado. Odaygii maxbuuska ee taleefankiisa ii dhiibay ayuu ku yidhi "Digaalow ma taleefankaagi ayaad dadka u dhiibaysaa? Keen”.




Gidaar ayuu la dhacay oo wuu jejebiyay, markii horena wuu ogaa in duqu uu moobil haysto. Ninkaasi far ma saarin taleefan kale oo muuqday ama yaallay halka uu kala wareegayo kan uu igu arkay. Halkaas waxa aan ka dareemay in il gaar ah la igu hayo. Kama nixin in agabkaas la burburiyo, waayo marka horeba waxa la iigu dhiibay in la igu baado. Mar dambe ma codsan in la ii sama-falo.

Aniga oo ninkaas si niyad-sami ah ugu ducaynaya, waxa aan idhi:
"Ilaahay siduu ii bannaday, beerka haw jaro’e
Bahdilaadda wuxuu moodayaa, baawar sharafeede
Baras kugu dhac weligii dulmigu, baaqi noqon waaye”




Qol uu ku jiray maxbuus aanu maxkamadda iska soo raacnay oo reer magaal ahi ayaan horraanba "daf” idhi. Duhurkii waxa ii yimi laba ka mid ah walaalladay iyo niman aanu saaxiib nahay. Isla galabnimadiina waxa la soo rogay banddoo iyo cunaqabatayn. Waxa lagu dhaartay in aanay cidina dhaayaha na saarin. Dhammaan dadka waxa la tumay dibadda. Wixii intaas ka dambeeyay malaha hal qof oo gogol ii sida iyo qof kale ayaan arkay.

Dadka loo diiday in ay i arkaan waxa ka mid ahaa:
Hooyaday
Walaalkay
Walaashay
Awowgay
Adeerraday
Garyaqaanno



Walaalkay Mahad Maxamuud Gahayr ayaa Taliyaha Axmed-Dhagax ku yidhi "Ma tegayo. Celintuna nama qabato Waa in aan ogaado waxa uu walaalkay ku xidhan yahay. Ama war iiga keen ama gudaha ayaan u gudbayaa”. Taliyaha Axmed-Dhagax ayaa iigu yimi qolkii igu bannadnaa, waxaanu yidhi "Siciidow waxa bannaanka jooga qoyskaagii, waxaanay rabaan inaad uga warranto waxa ka jira kiiska laguu haysto. Annagu kiiskaaga ma haynno, waxaanu yaallaa Taraafikada.




Keliya annagu halkan ayaannu kugu haynnaa. Ma qado tegin illaa hadda oo waxa aan albaabka u joogaa in aan nidaamiyo dadka. Adduunka waa laga tegayaa, haddii aad jiidhay askariga waa laga heshiin karaa. Wax weyn ma qabo. Feedhaha iyo madaxa ayay jugi ka gaadhay, berri (Isniinta) ayuu cusbitaalka ka soo baxayaa. Waanan arkay xaaladdiisa. Haddii aanad samaynna wax aanad falini ku qaban maayo. Maxaan ku idhaahdaa?”.




Waxa aan u maray saddexda magac Alle in aanan shilkaas falin, waddadaasna aanan marin maalinta wax dhaceen, in aanan aqoon u lahayn dhibbanaha iyo in aanan dooc iyo dareen midna uga ogayn waxa la ii tuhmayo/tirinayo. Dhawr qof ayaa Taliyaha ku yidhi "Miyaad bannaanka keentid?”. Waxa uu yidhi "Waa nin dhib badan, wax buu qorayaa. Ciidanka oo dhan ayaa khaati ka taagan”. Maalintaas aan maxbuuska ahaa, awood uma lahayn in aan wax ka qoro saldhigga Axmed-Dhagax, laakiin maanta ha ku raaxaysto reenka kaaraha. Daqiiqadahaas oo qudha ayaan arkay Taliyaha Axmed-Dhagax, uma yimaaddo kamana war helo maxaabiista. Keliya waxa uu ka shaqeeyaa celinta dadka cuntada sida iyo kuwa na soo booqanaya. Siduu dadkaas u addoonsayo ayuu xitaa ku cunto-seegaa isagu.




Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeella) ayaa ku yidhi Taliyaha "Ma xeerka ayaa dhigaya in aan maxaabiista la booqan, mise waa sharci aad jeebkaaga kala soo baxday?”. Inta uu hadalki ka taagtaagmay ayuu Taliyihi doonay in uu la dagaallamo Garyaqaanka iyo Enigeer Maxamed Beddel Maxamed oo la socday. Dirqi ayaa lagu kala kaxeeyay, weliba wuxuu gaabsaday markuu maqlay iyada oo "Garsoore” la leeyahay Jamaal. Mar dambe ayuu Garyaqaanku la xidhiidhay Cabdiraxmaan Fooxle oo ka raalli-geliyay jidgooyada loo galay.

Ma shil baa la ii haystaa? Haddaa maxaa keenay gocashada wixii utumo na dhex yaallay booliska? Ma nin tuhun loo haysto ayaa sidan loo go’doomiyaa? Ma awood ciidan baa lagu aarsanayaa? Maxaa loo hadal hayaa dhaliishayda ciidanka? Ma caano ayay ii lisi jireen markay bilaha i af-duubayeen? Weedha aan ku duro iyo waabayda xabsigooda kee daran?. Cabaadkooda waan ku raaxaysan jiray… Xayiraaddoodana in xorriyadi ka dambayso ayaan ogaa, waanan xammilayay….. Saacaddaa hadday doonaan ha i qafaashaan..



Dadka cuntada noo sida bannaanka ayay askartu kaga soo qaadayeen. Keliya bac ordaysa iyo caagado xiimaya ayaa ka soo geli jiray afaafka. Hurdadu waa nagu yarayd, waayo waxa habeennimada sida roobka noogu daadan jiray dukhaanka, kaas oo ay qaniinyadiisa necbaayeen dar ila xidhnaa. "Anigu waxa aan dhiiggayga ugu deeqay dukhaanka/kutaanta iyo kaneecada” ayaan odhan jiray.



Gidaarrada saldhiggu waa kuwo nugul, waxaana fudud in la xordo oo laga daato. Qolka afraad ee aan ku jiray waxa ka muuqday dayac-tir lagu sameeyay dalool weyn uu maxbuus ka sameeyay gidaarka. Isaga oo ku dhaw in uu fakado ayaa la ogaaday, kaddibna feedhaha ayaa la isku celiyay. Sidaas awgeed, mar walba waxa toosh nagu eegi jiray heeganka ilaalada u leh habeenkaas. Haddii aanu cabbaar sheekaysanno, waxa la moodi jiray in aanu daadanaynno. Waan arkay in uu gidaarku yahay xarshoosh dumaya haddii la faqo, wax aanu u fadhnaa se ma jirin.



Saddex god/suuli ayay u kaltamaan maxaabiista ku kala jirta afarta qol ee saldhiggu. Subaxa iyo galabnimada ayaa loo oggolaadaa in ay saxaroodaan. Wakhtiga kale inta caagad lagu talleejiyo ayaa jirikaan lagu shubaa. Neecawda afar iyo labaatanka kuu baxaysaa waa urta kaadida. Saddexda god waxa afka jooga saxaro, kaadi iyo caagado. Marka lagu shubo kaadidii jirikaannada, waa ay fatahaan markaas ayay qudhunka iyo qashinku sabbeeyaan.




Mid ka mid ah wallaahi dirxi ayaa ka buuxay oo dul sabbayn jiray oo dibadda uga soo baxay. Wuu dinnisayaa oo kabbacayaa. Ma aannu haysan kabo, baco ayaannu lugaha ku xidhan jirnay. Haddii aanu baco weyno, annaga oo cagaagan ayaannu dirxigaas dacal kaga joogsan jirnay!

Waxa nalagu dhibayaa, ma aha baahi dheeraad ah. Waa abuurtii Alle noolaha ku uumay. Qashin-saarku waxa uu ka mid yahay astaamaha noolaha. Ma maqasheen "wax dhintay ma dhuuso”. Askari qori sita ayaa irridka taagan. Daqiiqadda ama labada aanu ku jirno wuu na hiifayaa, haaramayaa oo hanjabayaa. Mararka qaarkood in uu qoriga cabbeeyo ayuu ku siganayaa




.

Galab Axad ah ayaan dhaansaday laba maya-saxo oo waaweyn si aan ugu meydho. Mid joornaati-ku-sheeg ah baa yidhi "Hayaay, kaasi wuu meydhanayaa. Lama oggola”. Nadal fooqal nadal buu ahaa. Ilaahay if iyo aakhiraba ha ku dulleeyo! Ma nijaas iyo dhafad ayuu nala rabaa? Garan iyo nigis ayaan xidhnaa. Inta aan garankii tuuray oo aan nigiskii isku reebay, ayaan labadii caagadood isku foorariyay oo ku qubaystay iyada oo bannaanka la joogo.





Maadaama oo ay xilli qaboobe ahayd oo aan biyaha isku shubay aniga oo bannaan jooga, waa aan qadhqadhay. Waxa ku arjunnaa la-haysteyaal aan toban cisho dhibic biyo ah korkooda marin. Qaar ayay ka guurtay baahidii saxaradu oo siddeed cisho aan godka u hollan. Ma nin keeb lagu hayo ayaa saxaroon kara!

La soco waxyaabihii aan xabsiga ku soo arkay!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO