Daawo : madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Xukumada madaxweyne Farmaajo iyo AMISOM Dhaliil Xoogan u Jeediyey " "Afar sano ayaa la lahaa howlgal baa la bilaabaya"

0
Thursday December 27, 2018 - 13:00:56 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by Super Admin
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo : madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Xukumada madaxweyne Farmaajo iyo AMISOM Dhaliil Xoogan u Jeediyey " "Afar sano ayaa la lahaa howlgal baa la bilaabaya"

    Daawo : madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Xukumada madaxweyne Farmaajo iyo AMISOM Dhaliil Xoogan u Jeediyey " "Afar sano ayaa la lahaa howlgal baa la bilaabaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo : madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Xukumada madaxweyne Farmaajo iyo AMISOM Dhaliil Xoogan u Jeediyey " "Afar sano ayaa la lahaa howlgal baa la bilaabaya"

Kismaayo ( ALJ) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka in aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in illaa iyo hadda howlgalada la sheego in la qaadayo ay noqdeen kuwo afka kaliya ku sugan.



Axmed Madoobe oo shalay kula hadlay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa u sheegay in loo diyaar garoobo dagaalka Al-Shabaab.

"Waxaa in badan ka sugeynay dowladda Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka in dagaalkan aanu sii daba dheeraan, afar sano ayaa la lahaa Jubadda Dhexe ayaa la xoreynayaa, illaa iyo hadana waxay noqotay hadal la sheego oo aan sal iyo raad toona laheyn”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in cidii raaxeysa ay ka daba imaan doonto, marka Ciidamada Jubbaland duulaan ku qaadaan Al-Shabaab, isagoo xusay in loo baahan yahay in la isku tashto oo aan cid kale waxba laga sugin.




"Cidii na raaxeysa iyaga naga daba imaan doonta, waa deegaankeena, waa dalkeena cid kale miyaa sugeynaa, anaga isku tashaneyna, inaan dhaq dhaqaaq sameyno oo deegaanadeeda isku furno, dadkeena si xoriyad leh meesha ay rabaan u tagaan, howlgal dhab ah aan bilowno, in badan waxaa ka hadalnay howlgallo, maanta aan ku tala galno inaan isku tashano”ayuu yiri Axmed Madoobe.




Axmed Madoobe ayaa sheegay in go’aankooda yahay sidii ay isku tashan lahaayeen oo ay sida ugu dhaqsiyaha badan howlgal isugu diyaarin lahaayeen.

Gobolka Jubadda Dhexe ayaa ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan, waxaa la sheegayaa inuu yahay meesha kaliya ee ay ku sugan yihiin dagaalyahanada ugu faraha badan iyo saraakiishooda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO