MUHIIMADA AKHRISKA IYO QORAALKA U LEEYIHIIN MASKAXDA?

0
Wednesday December 12, 2018 - 02:56:55 in XULASHADA by M Ayaanle
  • Visits: 357
  • (Rating 4.2/5 Stars) Total Votes: 5
  • 7 0
  • Share via Social Media

    MUHIIMADA AKHRISKA IYO QORAALKA U LEEYIHIIN MASKAXDA?

    Qorra abdikariin Karaama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorra abdikariin Karaama

MUHIIMADA AKHRISKA IYO QORAALKA U LEEYIHIIN MASKAXDA?

Diinta islaamku waxaa ay muhiimad weyn siisaa aqoonta iyo kasbashadeeda. Aayadii ugu horeysey ee quraanka kariimka, waxaa ay ahayd mid rasuulkeena (NNKH) lagu amray inuu wax akhriyo. Ilaahay subxaanu watacaalaa waxaa uu yiri. " akhri” adigoo kaashanaaya magaca rabbigga ku abuuray. ( suurada Iqra , aayada 1.aad). Suuradaan waxaa kaloo uu ilaahay ku magacaabay oo ku xusay mid ka mid ah aaladaha loo adeegsado aqoonta iyo tacliinta kaas oo ah " Qalinka”. Ilaahay waxaa kale oo Rasuulka (NNKH) ku amray inuu rabbiggiisa ka baryo in aqoontiisu kor u kacdo.Raadinta aqoontu waa waajib, waana qodob meel sare kaga xusan diinta islaamka.Horumarka wadan iyo ilbaxnimada aadamiga waxaa ay ku xiran yihiin hadba awooda ay dadku u leeyihiin iney wax akhriyaan. Sidaas darteed waxaa jira xiriir weyn oo ka dhexeeya akhriska, kasbashada aqoonta iyo kobcitaanka maskaxda iyo maanka.

Maskaxda iyo fekerka



Maanka qofku waa sida muruqaha oo kale, waxaana uu u baahan yahay tababar joogto ah. Qofku kolka uu doonaayo in murqihiisa caadiga ahi dhismaan, waxaa uu layliyaa ama tababaraa jirkiisa. Jirka ayaa la siiyaa tababar joogto ah si murquhu u dhismaan, si fiicna ugu shaqeeyaan. Layliga murquhu waxaa kale oo uu keenaa iney murqaha u sahlanaato qaadashada hawada ogsijiinta iyo weliba wereega dhiiga oo hagaaga. Haddii laba qof tartamaan waxaa markiiba badinaaya qofka jirkiisu qaadan jirey tababar joogto ah maxaa yeelay qofkaas xubnihiisa jirka ayaa ah kuwo horay loo diyaariyey oo ka bixi kara cadaadiska la saaray. Balse qofka aan tababarka qabin waxaa uu noqonayaa mid markiiba si sahlan u daala, sababtuna waxaa weeye dhamaan xubnaha iyo unugyada jirka ayaan ahayn kuwo diyaar u ah iney tartan galaan oo cadaadis la saaro. Halkaas waxaa ka cad in jirku u baahan yahay tababar joogto ah si uu si wanaagsan ugu shaqeeyo. Arinktaasi waa midda keenta in dad badani si joogto ah u tagaan meelaha lagu tababarto ee jirka lagu dhiso. Haddaba si la mid ah sida jirku ugu baahan yahay tababar ayaa maskaxda iyo maanka qofkuna ugu baahan yahay carbin iyo tababar joogto ah. Tababarka maanka iyo maskaxdu waa wax akhriska, taas oo loola jeedo in qofku caadeysto inuu si joogto ah wax u akhriyo.

#Waxyaalaha#laga#dhaxlo#akhriska



Maskaxda iyo unugyada qaabilsan fekerka oo horukac sameeya.Qofka wax akhriyaa waxaa uu si joogto ah u helaa fikrado kala duwan oo u horseedi kara horumar. Qofka wax akhriyaa waa mid si deg deg ah u jihayn kara fekerkiisa haddii ay soo wajahdo arrin deg deg ah oo aanu horay ugu tashan. Tusaale ahaan haddii ay doodi dhexmarto laba qof oo midkood yahay qof akhris badan midna aanu waxba akhrin, waxaa dhacaysa in qofka akhriska u saaxiibka ahi si sahlan uu horumar uga sameeyo dhinacii dooda.Sababtuna waxaa weeye qofka akhriska badani waa qof leh tababar dheeraad ah oo dhinaca maskaxda iyo maanka ah.

#Ogaanshaha#wax#cusub: Dunida aynu ku dhaqanahay ma aha mid taagan balse waa mid mar walba uu ku yimaado isbedel. Waxyaalo horay u jirey ayaa dunida ka dhamaanaaya, waxaana soo kordhaaya waxyaalo cusub oo aan horay loo aqoon. Sidaas darteed akhriska badani waxaa uu kuu fududeynayaa inaad wax badan duniga ka ogaatid dunida kugu wareegsan.




Helitaanka khibrada dadka kale: Waxaa jira dad badan oo dunida ka tegey balse qoray waxyaalo badan sida buugaag, wargeysyo iyo waxyaalo kale oo badan. Ma heli kartid khibrada ama waaya-aragnimada dadkaas kol haddii aadan ahayn mid wax akhriya. Waxyaalaha ay qoreen dadkaas aan maanta dunida ku nooleyn waxaa ay kugu dhalin karaan fikir kaa maqnaa, waxaa kaloo ay kugu caawin karaan inaad ka leexato qaladaadkii ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaad kaloo ka dhaxli kartaa inaad kaga dayato waxyaalihii fiicnaa ee ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaa kaloo jira dad nool oo wax qoray balse aaney suurtogal kuu ahayn inaad la kulanto. Haddaba akhriska iyo baadigoobka aqoonta ayaa kuu sahlaaya inaad ka bogato waxyaalaha muhiimka ah ee dadkaasi qoreen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO