Madaxweyne Farmaajo Oo Shaqo Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo Sababta Ku Kaliftey

0
Monday March 12, 2018 - 23:07:28 in WARARKII UGU DAMBEEYEY by Abdi Hargaysa
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Shaqo Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo Sababta Ku Kaliftey

    Madaxweyne Farmaajo Oo Shaqo Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo Sababta Ku Kaliftey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Shaqo Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo Sababta Ku Kaliftey

Moqdisho (Aljasiira-News Somali):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la

sheegay in shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Soomaaliya.


 

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkiiba dhowr maalin taga xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu ugu kuur galo howlaha Wasaaradda iyo arrimaha ciidamada oo dib u habeyn ku socoto.


 

Ilo wareedyo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu maalmaha qaar uu waqti badan soo joogo xarunta wasaaradda, balse aanu habeenkii ku hoyan Wasaaradda.



Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la qaata Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga Saraakiisha ciidamada xoogga, isagoo ka xog wareysta xaalada ciidamada.


Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Farmaajo uu maalmo ka hor la kulmay xaalad ka dhex jirtay Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada oo ka dhex jiray buuq ku saabsan dhanka Mushaaraadka, kaddib markii dood ka dhalatay darajada ciidan ee Saraakiisha qaar.


Balanqaadka Madaxweynaha ee doorashadiisa ayaa ka mid aheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida, inkastoo xilligan ay ciidamada wajahayaan xaalado adag oo ay ka mid tahay in aanay muddo qaadan mushaar, sidoo kalena kaalmada uu siin jiray Mareykanka uu goostay.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Wararka la xidhiidha

MUQAALLO